09 July, 2009

Dawladda Faransiiska oo Xidhiidhkii Iskaashi ee Dhinaca Dhaqanka u Goysay Somaliland

Dawladda Faransiiska oo Xidhiidhkii Iskaashi ee Dhinaca Dhaqanka u Goysay Somaliland

Wasaarada Dalxiiska Somaliland maalmo guddohood dhawr waraaqoood oo is burinaya u Dirtay Faransiiska iyo Jawaabta Cadhada leh ee loo soo diray

Hargeysa (Jam)- Dawlada Faransiiska ayaa Somaliland u goysay xidhiidhkii dhaqan ee ay labada wadan iska kaashan jireen, kadib markii Faransiisku ka cadhooday waraaqo isburinaya oo wasaarada Dalxiiska Somaliland u qortay safaarada Faransiisku ku leeyaay Jabuuti, kuwaasi oo ku saabsanaa qabanqaabada xuska maalinta muusiga adduunka oo ku beegnayd 21 June 2009.

Xidhiidhka dhinaca dhaqanka ahaa ee Faransiisku u Jaray Somaliland, ayaa lagu sheegay waraaq safiirka Faransiiska u fadhiya Jabuuti uu 29 June 2009 u soo diray wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, taasi oo jawaab u ahayd waraaqo is burinaya oo wasaaradiisu dhawr jeer u dirtay Safaarada Faransiiska.

Waraaqaha Faransiiska iyo Somaliland is waydaarsadeen oo nuqulo ka mid ah Jamhuuriya helay, ayaa warqaaha dhinaca Somaliland ka tagay waxa ku saxeexnaa Agaasimaha Guud ee wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska Mr. Xasan Ismaaciil Xasan, halka warqada keliya ee Faransiisku ku soo jawaabayna uu ku saxeexnaa safiirkooda u fadhiya Jabuuti.

Warqada hore ee Somaliland u dirtay Farasiiska taariikhdu markay ahayd 7 June 2009 oo lagu sheegay in Somaliland laga xusi doono maalinta muusiga adduunka, isla markaan lagu xusay in wasaarada Dalxiisku aqoonsan tahay ururka iskaashiga dhaqanka ee Faransiiska iyo Somaliland oo loo soo gaabiyo SOFCADA, oo aanu Afsoomaali idiinku soo turjunay waxay u dhignayd sidan;

"Markanu eegno warqadii wasaarada Dalxiiska iyo Dhaqanku ku aqoonsatay SOFCADA [ururka Iskaashiga dhaqanka ee Somaliland iyo Faransiiska], taariikhdu makay ahayd 9 June 2009, waxaanu halkan idinku sheegaynaa in SOFCADA xidhiidh la leedahay Wasaaradda Horumarinta Dhaqanka, sidoo kalena waxay ka caawisaa xagga qalabayanta muusiga ee ka yimaadda safaaradiina markasta oo Wasaaraddu isku diyaarinayso xafladaha. Sannadkan xuska maalinta muusiga adduunka ee 2009, waxa qaban doona ururka SOFCADA.

Waxaanu haysana fannaaniin caan ah oo ay ka mid yihiin;

Cabdinuur Allaale, Maryan Mursal iyo Sahra Axmed, hodheelkii xafladu ka dacaysayna waa la diyaariyey."

Balse waxa dhacday in shan maalmood ka dib markii warqadaas la diray uu hadana agaasimaha guud ee wasaarada Dalxiisku warqad kale oo taas hore burinaysa u qoray safaarada Faransiiska, taasi oo ku taariikhaysnayd 13 June 2009, waxayna iyada oo faahfaahsan u qornayd sidan;

"Aniga oo tixraacayna warqadi sumadeedu ahayd WDDH/XAR/O15/023/09 ee ku taariikhaysnayd 7 June 2009, lana xidhiidhay iskaashigga u dhexeeya wasaaradda dhaqanka iyo ururka SOFCADA ee xuska maalinta muusiga adduunka ee 21 June 2009, hadaba markii aanu isla qaadanay wasiirka wasaaradan, waxaanu halkan idiinku sheegaynaain warqadaas hore ay nooga soo baxday si khalad ah, maxaa yeelay nagu ma joogno kaalintii aanu ku xusi lahayn maalinta muusiga addunka, sidaa darteed waxaanu hakinay xidhiidhkii iskaashi ee u dhexeeyey wasaarada iyo ururka SOFCADA.'

Arrinta la yaabka ku noqotay Fansiisku waxay ahayd in 24 saacadood ka dib markii warqadan lagu mabnuucay xuska maalinta muusiga la qoray, waraaq kale oo xuska maalintaasi lagu ogolaanayo loo diray safaarada Farnsiiska Jabuuti, taasi oo uu agaasimaha guud ee wasaarada dalxiisku diray 14 June 2009, waxayna arrintaasi jahawareer badan ku abuurtay dawlada Faransiiska, iyada oo 17 June 2009 uu dalka yimi xoghaya koowaad ee safaarada Faransiiku ku leeyahay Jabuuti Mr. Thierry Choinier, isaga kulan balaadhan la yeeshay wasaarada Dalxiiska, arrimaha dibada, xoghaya guud ee UDUB iyo ururka SOFCADO.

Waxaana kulankaasi la iskula qaatay in Somaliland laga xuso maalinta muusiga adduunka oo sannad kasta 21 June caalamka laga xuso, taasina waxay sababtay in Faransiiska oo arrintaas maalgalinayay uu soo shubo kharashkii loogu talo galay xuska maalintaas, kaasi oo la soo marsiiyey ururka iskaashiga dhaqan ee Faransiiska iyo Somaliland, basle waxaa markii dambe talaabadaasi ku gacan saydhay wasaarada Dalxiiska oo sheegtay in dhaqan ahaan iyo diin ahaanba Somaliland laga xusayn maalinta Muusiga.

Go'aankaasi oo waraaqahaasi is burinaya, ayaa waxa si wayn uga cadhooday Faransiiska oo ku dhawaaqay in uu Somaliland u gaynayo xidhiidhkii iskaashi ee ku salaysnaa dhinaca dhaqanka, sidaana waxa lagu sheegay waraaq uu 29 June 2009 safiirka Faransiiska ee Jabuuti u soo qoray wasiirka Dalxiiska Somaliland, taasi oo iyada oo faahfaahsan u qornayd sidan;

"Aniga oo tixraacaya waraaqdii WDDH/XW/44/2009 ee ku taariikhaysnayd 20/06/2009 ee ku socotay Xoghayaha Guud ee Safaaradda Faransiisku ku leeyahay Djibouti, marka la eego diyaar garowga xuska maalinta muusiga adduunka ee ay safaaradu heshay 7-dii June 2009 ee ka timi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhaqanka Mr. Xasan Ismaaciil Xasan, ee u qornayd; 'SOFCADA waxay xidhiidh la leedahay Wasaaradda Horumarinta Dhaqanka, sidoo kalena waxay ka caawisaa xagga qalabayanta muusiga ee ka yimaadda safaaradiina markasta oo Wasaaraddu isku diyaarinayso xafladaha. Sannadkan xuska maalinta muusiga adduunka ee 2009 waxa qaban doona ururka SOFCADA.'

13-kii June 2009 Agaasimaha Guud waxa uu ku wargeliyey Safaaradda in wadashaqayntii Wasaaradda Dhaqanka iyo ururka SOFCADA la hakiyey.

14-kii June 2009, kadib codsigii Safaaradda ay idinku waydiisatay faahfaahinta arrintaas, Agaasimaha Guud waxa uu si buuxda u caddeeyey in xidhiidhkii wadashaqayneed ee SOFCADA iyo Wasaaradda Dhaqanku uu caadi yahay. Sidaas darteed, Safaaraddu waxay go'aansatay maalgelinta xuska maalinta muusiga ee SOFCADA qabanqaabinayso.

Aniga [Safiirka u fadhiya dalka Djibouti Faranskiis] iyo adigu [Wasiirka Dhaqanka Somaliland] waxa aynu iskula qaadanay inay tahay lagama maarmaan in la siido iskaashigayagii sida ugu habboon, annaga oo tan tixgelinayna, isla markaana si cad uga warqabna inay tahay mid aad suurtogal ahayn in Wasaaraddiina aannu la galno heshiis maalgelineed oo toos ah, hawlaha la qabanayana fulintooda leeyahay ururrada aan dawliga ahayn. Tanna micnaheedu maaha in aynu wada yeelan wayno xidhiidh sockeeye oo dhexmara safaaradda Faransiiska iyo wasaaraddaada si loo caddeeyo mashaariicda ugu fiican iyo cidda ku habboon ee fulinaysa, fudaydinta qaababka uu u dhacayo iyo bixinta shaacintiisa.

Haddaba marka aannu tixraacno qoraalladiina is-burinaya Safaaradda Faransiisku waxay joojisay caawimadii ay ku bixin jirtay dhinaca dhaqanka Somaliland."



Jamhuuriya Online

No comments: