09 July, 2009

Axmed Siilaayo oo Markii ugu Horreysay Madal Furan Boqolaal ka mid ah Taageerayaashiisu Su’aalo ku Weydiiyee

Axmed Siilaayo oo Markii ugu Horreysay Madal Furan Boqolaal ka mid ah Taageerayaashiisu Su'aalo ku Weydiiyeen

Siilaanyo ahaan haddii aad madaxweyne noqoto ma ku soo bixi doontaa sagaalkaa siikaawi ee Madaxweyne Rayaale Madaxtooyada kaga Baxo mise wax baad ka bedali doontaa?

Siilaanyo Haddii Aad Madaxweyne Noqotid Salaadda Jimcaha Dadka Ma La Tukan Doontaa Mise Kaligaa Ayaad Madaxtooyada Ku Tukan Doontaa, Sida Rayaale?

Hargeysa (Jam)- Murrashaxa Madaxweynaha, ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay boqolaal qof oo ka mid ah taageerayaasha xisbigiisu madal furan ku weydiiyeen su'aalo tiro badan la xidhiidha ajadayaashiisa siyaasadeed haddii uu talada dalka ku guulaysto doorashada soo socota.

Xaflad ballaadhan oo shalay xisbigu ku qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ujeedadeedu ahayd in Guddoomiyuhu masuuliyiinta xisbiga iyo taageerayaashiisa uga xogwaramo safar qaatay muddo laba bilood ah oo uu ku tagay dalka Ingiriiska, Norway iyo Sweden, taas oo ay ka qaybgaleen madaxda sarsare ee xisbiga iyo boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa, ayaa xogwarankii Guddoomiyaha kadib waxa ka qaybgalaashii shirkaasi ku harqiyeen su'aalo tiro badan oo wax lagaga weydiinayey sida uu u maarayn doono arrimo badan oo waqtigan dad badani saluugsan yihiin siday u socdaan sida maamulka, dhaqaalaha, horumarinta arrimaha bulshada iyo arrimo kale.

Md. Axmed Siilaanyo waxa uu kulankaas si qoto dheer ugaga waramay safarkiisii uu tagay dalalkaas oo uu sheegay inuu kula kulmay jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool oo uu kala hadlay hawlaha doorashooyinka iyo sida loogu diyaargaroobayo. Waxa kale oo uu sheegay Siilaanyo inuu dalalka deeqda bixiya ee somaliland ka caawiya doorashooyinka iyo hannaanka dimuquraadiyadda oo ay la kulmeen u muujiyeen inay aad u danaynayaan doorashada madaxtooyada somaliland oo wakhtigeedii dhacda, taasoo ay tilmaameen haddii ay dhici waydo somaliland lagu tirin doono dalalka ku fashilmay geeddi-socodka dimuquraadiyadda.

Waxa kale oo uu Axmed Siilaanyo kaga waramay kulankaas, qorshaha xisbi ahaan u yaalla haddii ay talada dalka ku guulaystaan, isaga oo ku dooday in dhinac kasta ay kaga fiicnaan doonaan xukuumadda madaxweyne rayaale ee hadda talada haysa.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Siilaanyo waxa uu dhaliilay safar Madaxweyne Rayaale muddadii uu maqnaa ku soo maray qaar ka mid ah gobollada dalka, kaas oo uu ku tilmaamay mid aan faa'iido lahayn, isla markaana aannu garanayn waxa Md. Rayaale dadka u ballanqaadayo isagoo hantidoodii dhacay.

"Waxaan maqlaayay Daahir Rayaale gobollada ayuu safaro ku soo maray anigu dalka waan ka maqnaaye, anigu waxaaban odhan karaa waxaas ayaan qaban doonaa haddii aad i doorataan, laakiin isagu muxuu odhanayaa, weji adagaa waa maxay wejiga uu dadka maanta la hortagi karaa, inuu yidhaahdo waan idin dhacay, waan idin musuqay, wixiinii ayaan cunay mooyaane ma wax kale oo uu yidhaahdo ayaa jira?. Waxaan maqlay meelo cusub ayuu dhagax dhigay, dee kuwii hore ee uu dhigay ayaa yaalla ee naga qaad in la yidhaahdo ayay ahayd," ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.

Xogwarankaas Guddoomiyaha kadib ayaa dadweynihii taageerayaasha ahaa ee ka qaybgalay kulankaasi waxay weydiiyeen su'aalo fara badan oo dhinacayo kala duwan taabanaya, kuwaas oo uu dhammaantood jawaabo u muuqday dadkii weydiinayey inay qanciyeen uu Md. Siilaanyo kaga jawaabay.

Su'aalahaas dadweynaha iyo jawaabihii uu ka bixiyey Guddoomiyaha waxay u dhaceen sidan:

Su'aal: Guddoomiye siilaanyo Madaxweyne Rayaalaha hadda talada dalka haya lacagta dekadda berbera ka soo baxda gurigiisa ayaa loogu keenaa, adigu haddii aad madaxweyne noqoto oo aad doorashada soo socota ku guulaysato lacagtaa guriga la keenayo wax ma ka beddali doontaa, maxaase kaaga meelyaalla?

Jawaab: Haa ma dhici doonto in guriga laygu keeno lacagta dekadda berbera, waxaananu la dagaalami doonaa talaabo kasta oo musuq raad ku leh, sharciga ayaana qaban doona qof kasta oo lunsi hantiyeed iyo musuqmaasuq ku dhaqaaqa. Anigaa Aamina-waris [xaaskiisa] ka ilaalin doona Lacagta Berbera in Guriga loogu keeno (isagoo qoslaya).

Su'aal: KULMIYE haddii uu ku guulaysto talada dalka mujaahidiintii SNM muxuu ugu talagalay ee uga meelyaalla?

Jawaab: In la horumariyo mujaahidiintii dalkan u soo halgamay, agoomohoodii, naafadoodii, shaqo loo abuuro wax kasta oo loo qaban karo loo qabto ayaa KULMIYE uga meelyaalla mujaahidiintii snm oo xaq badan ku leh dalkan iyo dadkan labadaba.

Su'aal: KULMIYE maxaa uga meelyaalla ee qorshe ah in uu u qabto ardayda jaamacadaha ka baxda iyo kuwa dugsiyada sare dhamaysta ee dalka haddii uu doorashada soo socota ku guulaysto? KULMIYE haddii uu talada dalka ku guulaysto muxuu ugu talagalay haweenka ee uu maanta sii balan-qaadayaa?

Jawaab: Ardayda jaamacadahana waxaanu u diyaarin doonaa waxbarasho heersare ah inay gaadhaan. Dumarka waad ogtihiin oo dumarku waa waxa uu dalku ku dhisanyahya, waxaana balan qaadayaa inaan kasoo qaybgalindoono Xukuumada haduu eebe noogarto.

Su'aal: Guddoomiye siilaanyo waxa dhacda in wasiirada ka tirsan xukuumadda Rayaale ee maanta talada haysa bilo yar markay xilka hayaan ayay milyaneero noqdaan, markaa haddii aad madaxweyne noqotid ma diiwaan-gelin doontaa qof kasta oo wasiir ka noqonaya xukuumaddaada hantida uu haysto intaanu shaqada galin?

Jawaab: Waxaad la socotaan inuu dhawaan nin Wasiira oo ka tirsan Xukuuamdu ku dhawaaqay inuu yidhi anagu Jeebadahaanu buuxsanay oo lacagbaanu haysanaaye kuwan baahan ee aan waxba haysan [mucaardka] iska ilaaliya oo haw codaynina manajirto ilaa hada wax talaaba ah oo uu Riyaale ka qaaday masuulkaasi markaa anagu waxaanu leenahay madhicidoonto taasi manajirto cidkawayn sharciga hortiisa, baadhis (odout) kana waanu badalidoonaa waanan xisaabin doonaa xoolaha umadda iuy sidii uu u maamulay.

Su'aal: calanka Somaliland ee dawxiidku ku qoran yahay iyo dhaqanka shareecada islaamka oo dastoorkeenu ogolyahay ma is waafajin doontaa haddii aad madaxweyne noqotid?

Jawaab: Dalku waxa uu leeyahay Dastuur waafaqsan shareecada Islaamka oo qodabwaliba waxa uu ku fadhiyaa waa shareecada haduu ka hor imanayana waa waxba kamajiraan qodobkaasi iyadaana ku dhaqidoonaa dlaka haduu eebe idmo. Waxaanan sanayn doonaa sida uu sharciga dalku qorayo Gole Culima Awdiina oo madaxbanaan

Su'aal: Xisbiga KULMIYE oo ah xisbi balaadhan, waxa laynagu xantaa in khilaafku inagu badan yahay, khilaafkaas maxaad ka qabanaysaan guddoomiye maanta ayaad wada-joogtaan xubnihiinii sarsare'e?

Jawaab: khilaafaadka aad sheegtay dee xisbigu waa Xisbi weyn oo dadkii oo dhambaa dibad iyo dalba isugu yimi, waxaana dhexdiisa ka jirta dimoqoraadiyad oo nin waliba waa u xor fikirkiisa mana nihin sida UDUB oo kale oo aad maanta ogtihiin in aanay lahayn Gole Dhexe iyo Gole Fulineed toona, waxaana soo magacaaba cida la doonayo inay meelahaasi soo gasho Madaxaweynaha iyo ku-xigeenkiisa. Waxa Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka jiraana waa mid aan aad ugu kalsoonahay, waayo kuwa aanu isku cadhada badanahay ee xisbigayaga ahi waan ogyahay in aanay jeclayn inay meelkale aadaan.

Su'aal: Madaxweynaha maanta talada haya Daahir Rayaale, marka uu madaxtooyada ka soo baxayo waxa uu is-daba dhigaa sagaal siikaawi (tikniko) sidii oo uu weerarayo saldhig ciidan, markaa adigu Siilaanyo ahaan haddii aad madaxweyne noqoto ma ku soo bixi doontaa sagaalkaa siikaawi mise wax baad ka bedali doontaa?

Jawaab: Annigu sannado badan ayaan xero ciidan joogay, oo aan xil hayay, oo aan bulshadayda dhex socday, ciidan macquul ahna ka xaysan jiray, markaa iguma cusba, sagaal siikaawina isma daba-dhig doono.

Su'aal: Guddoomiye haddii aad madaxweyne noqoto salaadda jimcaha dadweynaha ma kula tukan doontaa masaajiddada mise kaligaa ayaad meel (madaxtooyada) ku tukan doontaa, sida Rayaale?

Jawaab: Qof islaam ah ayaan ahay, cibaadada iyo ilaalinta diintaydu waa igu waajib, meel kasta oo aan joogo iyo xil kasta oo aan hayo, waanan la tukan doonaa bulshadayda.

Su'aal: Dalka waxa ka taagan jahawareer xaga shidaalka ah iyadoo loo gacangaliyey shirkad shisheeye ah maxaad ka qabanaysaa arrintaas?

Jawaab: Ballan baan ku qaadayaa haduu Alle yidhaado inaan sida ugu fiican ku maamulo shidaalka, isla markaana waxa ka soo baxa dib ugu celin doono kobcinta shaqaalaha iyo xannaanadooda waxaanan ku fulin doonaa sida ugu habboon ee saxda ah.



Jamhuuriya Online

No comments: