09 July, 2009

DHANXIIR Muxuu Yidhi Maanta

DHANXIIR Muxuu Yidhi Maanta

Maansha Allaah; Kaalay arag mudanayaashii wakiilladu mucaarid iyo muxaafid sida geesinimada leh ee ay uga jawaabeen dalabkii madaxweynaha oo daaqadda uga tureen qalqaaligii Guddiga Doorashooyinka, hadduun bay qabsoomaysaa doorashadii oo Komishankii meel u wada tukanayaa.

Weger; Tukashaadaba dhacday, maantuubaa Aw Rayaale la helay tabco-galbeedkii uu la maagganaa mucaaridka, mar haddii mudanayaashii KULMIYE ka codeeyeen xubintii mataankooda UCID watay, Alleylehe, midnimadii mucaaridku maanta ka hor ma fashilmin, mar hadday ku kala baxeen difaacii xubinta xaq-sheegga ahayd.



Jamhuuriya Online

No comments: