30 August, 2008

Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye,

Qore Cabdiasiis Ahmed Mousa
abdiaziz2@gmail.com


Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye,

22 Bisha August ayaan u tagay Burco inaan War ka soo diro Shirweynaha Xisbiga Dimuqiraadiga ah ee Kulmiye Shirkiisa Golaha Dhexe ayaa bilaabmayey 23 ilaa 25 August 2008 ,

Waxaa aan tagay xarunta Dhexe ee kulmiye ee Hargeysa 21 August si aan u helo Marti-galinta Shirweynaha ee Qaybta Media-aha.waxa la ii sheegay in burco la geeyay agabkii lagu Samaynayey Cards-ka ka qayb-galayaasha shirka waxaan go'aansaday inaan goobtaasi tago si 22 august maalin ka hor xilliga loogu talo-galay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye waxaan tagay Burco isla Maalintaa 22 August waxaan Ergooyinka Shirka mid walba uu iskii iskaga bixinayey kharashka hudheelka marka laga reebo qadada oo laga cunayey Goobta uu ku yaalo Hudheel-ka shirka lagu qabanayo oo la yidhaa City Plus kaas oo ku yaala Bariga magaaladda Burco..runtiina magaalada ama faras-magaalaha u jira 5 km ,

Maalintii koowaad Ee Shirka august 23 waxa furmi kari waayey shirka sababo lagu macneeyay ka maqnaashaha xubno ka tirsan Hogaanka sare ee xisbiga , hase ahaatee waxaan ogaanay in uu jiray Khilaaf xagga Qabanqaabada Shirka oo ka dhexeysay Hogaanka Sare ee Xisbiga iyo Tabasho Meelo badan ah oo Ay wadeen Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga iyo Xoghayaha guud Guud ee Xisbigu ,

Markii la dhameeyay arrinkaas ee ay habeenkii soo galeen Xubnaha Hogaanka Sare ahaa ee Maqnaa Ayaa Habeenimadkii la galay Olole Balaadhan oo ku aadan loolanka Musharaxa Kursiga Madaxweyne Ku xigeen ee Xisbiga .Hogaamiyaha Xisbiga Ahmed Mohamed Siilaanyo oo u sharaxan Jagada madaxweyne iyo Ku xigeenkiisa Ninka uu u Calaamadiyay ayaa Diiradda Saaray hubinta ergooyinka ay haysteen ee hargeysa kala yimid, waxaana si gaar gaara ula kulmeen xubnahaasi ,Oday Siilaanyo waxa uu qol ka mida qololka Hotelka City plus ku qaabilayey kuwa uu ka baqayo in ay u codeyaan cid aanu la jeclayn mansab-ka Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga,.

Ergooyinka xaqa u leh codaynta ayaa iska mustafaysnaa ama il dhaqaale ka muuqatay , Kooxda kale ee wadatay Madaxweyne Kux xigeenkii hore Abdirahman aw Cali farax ayaa iyana kulmo joogta ah ku lahaa Hudheel Cigaal oo ku yaala Galbeedka Magaaladda ama afaafka hore ee burco laga soo galo waxa ka socoday halkaasi hubinta iyo ololaha xubnaha maqan soo jiidashadooda,
Sidoo kale Xubnaha taageera Ahmed Xaaji cali Cadami oo u badnaa Harti iyo xubno isaaqa oo reer sanaaga Ayaa iyana Hotel barwaaqo oo ku yaala Badhtanka magaaladda ku lahaa kulamo goosgoosa, waxa habeenkaa qolowlba isku qancisay in ay farsamooyin badan samayn doonan kolka uu bari si toosa u furmo shirweynahu,

waxa Diiradda Habeenkaa dhinacayada iska soo horjeedaa saareen Dastuurka xisbiga iyo xeer hoosaadka golaha dhexe, qolo walba waxa ay u aragtay in habka ay ku badan karaan ama ay farsamo ahaan u guulaysan karaan in ay tahay noocan

1-kooxda siilaanyo iyo abdiraxman Saylici taageersani waxa ay u arkeen in Xeer hoosaadka golaha dhexe gaar ahaan qodobka simply mojirty ay dan u tahay sidaana ay kaga guulaysan karaan kooxaha wata labada musharax ee kale cabdirahman aw cali farax iyo ahmed xaaji cali cadami ayna gacanta ku hayaan in ka bada 140 Xubnood oo golaha dhexe ka kooban marka la eego tirada rasmi u fadhida goobta oo ahayd 223 sida shir-gudoonku ii sheegen

2-kooxda ka soo horjeeda gaar ahaan cabdirahman aw cali musharaxa madaxweyne ku xigeen ayaa iyana diiradda ku haya habka ay ku guulaysan karaan in uu yahay absultly majority sidaa awgeed in wareega labaad ay heli karaan codod ay kaga guulaystaan saylici oo uu cadami ugu shubi karo codadka uu helo cabdirahman sidaana uu ku soo bixi karo Cabdirahman Aw cali,kooxdaasi waxa ay u arkeen in ay haystaa 108 xubnood inta kalana ay ka heli karaan ahmed xaaji cali cadami sidaana ay ku hanan karaan,

si kastaba ha ahaatee Furitaankii shirweynaha golaha dhexe ee Kulmiye 24 August waxa la buuxiyay hoolkii waxa ergooyinka shirka fadhiyay ka muuqatay colaad siyaasiya afka ayaa la iskugu hanjabayey..waxa gudida Qabanqaabada Shirweynaha Golaha Dhexe oo ay ugu cadcadaayeen Xuseen ahmed Caydiid , Maxamed Muuse abees,abdikariin Xinif ay Xaadiriyeen Xubnaha Ergooyinka Shirka jooga waxaana la hubiyay tirada Fadhida Shirka..waxa si caadiya loo doortay Shir-gudoonka Golaha Dhexe ee Gulmiye kaas oo lagu soo saaray short list sida uu kaga dhawaajiya goobta Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee kulmiye Muse biixi cabdi ..waxaana goobta la soo taagay sadex nin oo kala ahaa gudoomiye,Jamac shabeel 2-gudoomiye ku xigeen Maxamed Jamac warfaa (wadka) 3-xoghaye Cabdirizaq Ciyaale ,, golaha dhexe way u codeyeen ragaasi in ay shirka gudoomiyaan marka laga Reebo Ragg dhowra oo ka soo horjeestay system-ka wax loo xulay, ragaas xubnaha shirgudoonka sida loo xulay udiidanaa waxa ugu cad cadaa Xildhibaan Cali yusuf oo u arkayey qalad sifada loo xulay ragga shirgudoonka loo xulay,

Doorashadda Shir-gudoonka shirka ka dib waxa uu gudoomiyaha shirweynaha golaha dhexe ee kulmiye Jamac shabeel ku dhawaaqay in xeer hoosaadka golaha dhexe la eegi doono sidoo kale la ansixin doono xubnaha bedalka ku soo galay Golaha Dhexe ee aan la ansixin iyo dastuurka xisbiga qodobada lagu darayo ee la soo jeediyaya,

Ugu horeyn waxa uu ku dhawaaqay gudoomiyaha shirku in laga doodo qodob ay 30 xubnood in ka badani soo jeediyeen oo ahaa in absultly mojertiy ama simply mojirty mid wax lagu doorto dood dheer iyo buuq waxa adkaatay in shirweynahu sii socodo waxa shir-gudoonku ku tiraabay waxaan ka baqaynaa qarax in uu ka dhaco shirka sidaa awgeed waan joojinay shirka waa inoo bari, 25 August 2008 ..waxa cidhiidhi gashaya Jadwalka Shirweynaha loo dajiyay oo sadex cisho ahaa waxaan waxba la qaban 2 cisho 25 august waa maalintii ugu danbeysay Shirweynaha waxa shirgudoonku la tashi ugu tagay celcelinta jadwalka gudida Qabanqaabada..waxa la iskugu soo ururiyay maalin kaliya ,,, waxa loo dareeray qado in yar ka dib waxa lagu balamay goobaha lagu kala qaato wararka iyo ololaha musharaxiinta ee Magaalada burco,

Gudoomiyaha Xisbiga ahna Musharax Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Ahmed Maxamed siilaanyo iyo ninka Madaxweyne ku xigeenka u calaamadiyey Xiligaasi Cabdirahman Saylici waxa ay guda Galeen in ay xaqiijiyaan Himaladooda waxayna galeen Olole dhul iyo cir ah waxa hotel city plus isku badaly goob la is waydaarto ..farsamooyin badan oo ay wadeen kooxda Siilaanyo iyo salici waxa ay go'aamiyeen in aan mar kale dib loo dhigin shirweynaha oo arrinku u dhamaado sida jidwalku yahay ,

24 August habeenimadkeedii waxa bilaabmay Olole aan arko taariikhda somaliland kii ugu cuslaa warar laga soo tabiyay Kooxda Siilaanyo iyo saylici oo dhinaca kale ku doodayeen ayaa Sheegay in siilaanyo ku xila furay xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga qaarkii inaanu Musharaxa madaxweyne u noqon doonij doonin xisbiga haddii la doorto nin aanu doonayna sidaasina ay tahay (waan ku dooranay Madaxweyne ee laakiin cunaha ayaanu ku haynaa)

Wararka Ergooyinku is Dhaafsanayaan ayaa ku macneeyay in uu sababo badan siilaanyo u arkay in uu u qalmo Musharaxnimadda Saylici waa kow

1-Cabdirahman Salici oo ka Dhashay Gudabuuursi gaar ahaan Beelaha Maxamed Case oo 7 xildhibaan ugu jiraan Baarlamanka keenayna xldhibaano taageersan xubno wasiiro ahaan jiray oo iska casilay taageersana saylic ay jirto ,sidoo kale saylici uu u muujiyay Siilaanyo Taageero la yaaba kolkii uu ka keenay beelaha maxamed Case Salaadiintooda iyo Odayaal badan oo talada Beelaha Maxamed Case ka go'do, Siilaanyo waxa uu la sii dhacay Sida firfircoon ee Cabdirahman Saylici uga Dhex Muuqdo Boorama ,Waxa xasuus Mudan ayuu yidhi xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee kulmiye sida uu saylici badhtanka Boorama uu casuumadda ugu sameyay ragii xidhidhnaa ee Qaran iyo hadalada qadhaadh ee uu ku duray Madaxweyne Rayaale oo ka soo jeeda Boorama .Cabdirahman Saylici waxa uu warbaahinta madaxbanaan isku muujiya sida uu u hayo taageero balaadhan taas oo siilaanyo tustay in uu yahay nin afgaaban oo dadaal badan oo xisbigiisa u keeni kara Cododka Beelaha Maxamed Case iyo waliba isagoo la sheegay in uu xisbiga ugu tabaruci doono taageero dhaqaale marka ay doorashada madaxtooyada la gaadho, halka uu u arko nimanka kale ee ka soo horjeeda sidan,

2- Cabdirahman Aw Cali farax waxa uu u arkaa kow, in aanu Taageero ka heli doonin Beeshiisa Jibriil yoonis Gudabuursi oo uu ka Dhashay Madaxweyne Rayaale iyo Haweenaydiisu Sidaa awgeed iyagoo madaxweyne Haysta aanay u hanqal-taagi doonin jago ka hosaysa, waxa uu u arkayey in Cabdirahman uu nasto sababo uu ku sifeyay sida la isla Dhex maryey ergooyinka shirweynaha in uu yahay Raggii snm halganka ka soo qayb-qaatay ninka kaliya ee Gaadhay heer Madaxweyne ku xigeen ama heerkii ugu sareyay ee madhaheeda goostay oo aanu siilaanyo laftigiisu gaadhin,isagoo u arkayey in uu mar siiyay chance loogu doorto madaxweyne ku xigeen kiina uu siin waayey labadooda calafku sidaa awgeed uu go'aansaday in uu ka daydayo bulshada Awdal Nin kale oo cod uga keeni kara sidaana uu ku go'aasaday in uu Saylici yahay ka jagadan buuxin kara,

3-Ahmed Xaaji cali Cadim waxa la soo wariyaya in uu siilaanyo u arkay in laba Nin oo reer bariya yahiin sidaa Awgeed aan loo baahnayn xiligan oo balance laga dhigo jagooyinka oo galbeed la geeyo musharax madaxweyne ku xigeen,sababahaasna Aanu ku taageeri karin musharaxnimada Cadami ,

si kastaba ha ahaatee Musharaxa Madaxweyne ee Kulmiye Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo 70 Sano ku dhawaad ahi waxa uu Ciyaaray farsamooyin badan intii lagu Jiray Shirweynaha Golaha Dhexe.kuwaas oo uu ku qanciyay Taageerayaashiisa,,,,

la Soco Sida ay u Dhacday Doorashaddii iyo wadahadalasii bilaabay Saacado ka dib ama maalimo ka dib ????

Waxa qorey cabdicasiis Ahmed Mousa oo Faaqida Arrimaha Siyaasada Goobjoogna ka ahaa Shirweynaha abdiaziz ahmed mousa








Abdiaziz A Musa
Mobile 0025224419063
Tell:-002522525819
Hargeisa


No comments: