30 August, 2008

Marwada Koowaad Huda Barkhad Aadan, oo Deeq Gudoonsiisay Xarunta Agoomaha Hargeysa

Hargeysa, (Harowo) - Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Hudda Barkhad Aadan ayaa gudoonsiisay dirays ardayda ku jirta xarunta agoomaha magaalada Hargeysa ee wax ku barta dugsiyada iyo jaamacadaha dalka oo gabdho iyo wiilalba ay gaadhsiisay.

Marwo Huda Barkhad, ayaa sheegtay in ujeedada ay dirayskan u siisay caruurta xarunta agoomaha ku jirta ay tahay sidii caruurtaa looga ilaalin lahaa inay cuqdad ka qaadan caruurta ay wax wada bartaan ee Waalidkoodu nool yahay ee dirayska loo soo iibiyay, xili dugsiyeedkiina soo dhaw yahay.

Xafladaas oo si wayn loo soo agaasimay waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan, Ururka Haweenka ee NOW, Madax ka Socotay Hay,adda ANPAK iyo marti sharaf tiro badan iyo caruurta ku jirta xaruntaas hadal ay ka jeedisay Marwo Huda Barkhad Aadan gudoonsiinta dirayskaas ka hor ayaa waxa ka mid ahaa:

"Dhamaan marti sharafta iyo masuuliyiinta kala duwan ee nagala soo qayb galay xafladan aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa sida ficaan ee aad noo aqbasheen ee aad noogu timaadeen, mida kale waxaan idiin sheegayaa waxa weeyaan caruurtan yar yari cida ay sugayaan waa inaga iyo Illaahay waxa loo baahan yahay qof kastoo Islaam ahii kolay sadaqad buu la baxaa waxa aan u sheegaynaa inay goobahan oo kale ku bixiyaan oo ay caruurtaa tabaalaysan ee ubadkeeni ah wax ku taraan."

Marwadu waxay dhanbaal codsi ah halkaas uga dirtay Ganacsatada dalka oo ay ka codsatay in fadliga bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo fooda inagu soo haysa ay gargaar iyo gacan aadaminimo u fidiyaan xarunta agoomaha oo si naxariis leh u caawiyaan waxna ugu taraan "Bishii barakaysnayd ee Ramadaana way soo galaysaa markaa waxaanu baayac mushtarka Somaliland u sheegaynaa inay caruurtaasi wax ku taraan qaar badan oo ay noqdaan qaar si wayn iskaga xil saara oo wax ku tara, mar kale waxaanu u sheegaynaa inay wixii ay sadaqad bixinayaan ay Ubadkoodaa u keenaan.

Intaa ka dib waxa ay Marwadu Agaasimaha ku wareejisay deeqdii dirayska ahayd oo ay sheegtay inay ugu tala galeen in caruurta agoomaha ah ama kuwa aan waalidkoodu waxba haysan ee xarunta agoomaha ku jira gaar ahaan kuwa dhigta dugsiyada iyo jaamacaduhu ugu xidhaan dirays ahaan oo aanay cuqdad ka qaadin caruurta kale ee waalidkoodu nool yahay ee ay wada dhigtaan waxbarashada, waxaanay gudoonsiisay dharkaas ay ugu deeqday ardayda dugsiyada dhigta ee xaruntaas ku jira oo wiilal iyo gabdhaba laga simay.

Marwo Huda Barkhad Aadan waxay u mahad naqday maamulaha xarunta agoomaha ee Hargeysa Maxamed Ismaaciil oo si Hagar la'aan ah wakhtigiisa ugu huray daryeelka iyo xanaanaynta caruurta tabaalaysan ee ku jirta xaruntaasi, isaga oo caruurta ku dhiiri galiyay inay bartaan astaamaha qaranimada Somaliland oo heesta calanku ay kow ka tahay waxaanay kula dardaarantay inuu halkaa ka sii wado.

Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa

Marwo Huda Barkhad waxa kale oo ay u mahad naqday gudoomiyaha rayislayaasha Hargeysa iyo ururkooda oo iska xil saaray si iskood ah inay lacag la'aan timaha ugu xiiraan caruurta ku jirta xaruntaas ee tabaalaysan.

Marwada ka hor waxa halkaa ka hadlay Agaasimaha guud ee Xarunta Agoomaha Maxamed Ismaaciil waxaanu si wayn ugu mahad naqay Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Huda Barkhad Aadan oo uu sheegay inay si wayn iskaga xil saarto xaruntooda aadna uga war hayso dhinacyo badan ka caawiso, sidoo kale waxa iyaduna ka hadashay agaasimaha Hay'adda ANPAK.

Geesta kale caruurta wax ku jirta xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa ayaa iyagu halkaa ku soo bandhigay heeso kala duwan oo ka hadlaya qaranimada Somaliland kuwaas oo ay ka kow tahay heesta calanka iyagoo ku labisan dhar laga sameeyay harqad midabka calanka u eg.

Source:Harowo.com

Email: daralla06@yahoo.com


No comments: