26KA JUUN WAA MAALINTA QARANKA SOMALILAND
26kii Juun 1960, waa dharaartii aynu gobanimada helnay, waa ayaantii aynu noqonay dal xor ah oo ka mid ah dalalka adduun weynaha, waa maalintii ay ina aqoonsadeen dalal ka badan 30.Waxa mahad mudan in maanta magaaladan Cardiff lagu xusi doono sabtida 25ka June maalintan. Waxa si gaar ah qiime u yeelay iyadoo xuskan lagu maamuusay tiir ka mid ah rukunnada ay ku taagan tahay siyaasadda Somaliland. Waa ruug-caddaa ilaa xoriyaddii 60ka ilaa maanta aan saaxadda maamulka dalka ka bixin. Waa Mudane Axmed Yuusuf Ducaale, oo maanta ka mid ah Hormoodka Golaha Fulinta ee Xisbiga Kulmiye, kana mid aha aasaasayaashii xisbigii NUF, isla markaas noqday Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliya, Qayb lexaad lehna ku lahaa siyaasadii SNM, waxuu noqday wasiirka Waxbarashada ee Somaliland oo uu raad fiican kaga tegay, maantana waa nin ka mid ah ragga isteerinka u haya Xisbiga Kulmiye.Waxa maanta sharf u ah dadweynaha Cardiff inay soo dhoweeyaan Mudane Axmed oo taariikhda Somaliland madaxiisa iyo qalbigiisa ku sida. Isaagaa ah taariikh nool,ee ha laga faa'iideysto. Waxay ahayd maalin farxad iyo reynreyn dadweynaha somaliland ku jiray.Waa ayaantii Alle ha u naxariistee Timacade lahaa: Aan siduu yahay eegee, kanna siib, kana saar...waa ayaan ninkii nolaa farxad iyo damaashaad ku jiray.
Waa in la mariyaa maamuuska ay leedahay oon hoos loo dhigin.Waa inay noqotaa mid qalin dahab ah lagu qoro, lana soo ban dhigo qiimaha xoriyaddu leedahay. Tani wax xidhiidha lama laha dhibaatooyinkii ka dhashay is-raaca oy sababteedu ahayd arrin inagaga timid meel aan la filayn.Yaan 26ka Juun lagu xidhin 1da Juulay.Xidhiidhkoodu waa mid ka yimid go'aan lagu degdegay oon lagaga tababushaysan waxii ka iman kara, iyadoo loo qaatay in waxwaliba noqon doonaan malab iyo caano. Haddaba bal aan xusuusano 45 sano, aynu gumeysigii Ingiriska xoriyadda ka qaadanay. Waxa ay u kala kacayaan 9 sano oo habka xisbiyada badan dalka ka jireen.12 ( waa intaynaan SNM samayn,oynaan dagaal qaadin) sano oo xukun militari dalka ka jiray iyo 10 sano oynu dagaal kula jiray taliskaa macangaga ahaa. Waxa taas soo raacda 14 sano oynu xoriyaddii la soo noqonay. Waxa aan sidan ugu qaybiyey in la arko inayna yareen mudada aynu dib u dhalinay jumhuuriyadda Somaliland. Ina Barre markuu dalka cadaalad darro iyo maamul xumo ka dayn waayey, waxaynu sugnay 12 sano, kolkaasaynu qaadnay dagaal aynu ku guulaysanay, maantana waxa ka soo wareegay 14 sano intii aynu xukunka la soo noqonay.Waxaana fiican in leys weydiiyo waxa inoo qabsoomay iyo inaynu mudadan wax intaas ka badan gaadhi lahayn.Gaabiska muuqda maxaa dhaliyey? Yaa hawshooda gabay? Maxay sheegan kartaa dawladdan maamulkeedu ragaaday? UDUB se ma yahay xisbi ka turjuma himmilada ciddii u fooday, mise waa mid durbaanka la daba jooga ninka ay kursiga ku fadhiisiyeen. Aan dib ugu noqdee, gumeysigii Ingiris wax weyn inoogamuu tegin.Waxaa se jiray sharci iyo hab maamul-suuban oo soo cagaaraayey. Taas waxa aan ku salaynayaa, anigoo dugsiga hoose gelay lixdanaadii, ayaan xusuusanay habkii waxbarasho ee jiray.Waxaan lahaan jirnay qalab ciyaareed,(sport and art), waxa naloo dhigi jiray wax la yidhaahdo CIVICS, oo aha hab dhaqanka dawladda, kan degaanka iyo kan dawladda dhexe,habka barlamaanka,iyo maxkamadaha. Waxa dugsiga hoose naloo tababaraayey inaan noqono muwaadiniin yaqaan xaqa dalku ku leeyahay iyo kan ay ku leeyihiin. Waxa aan lahaan jirnay safaro aan ku tegno degmooyinka dalka, oon la kulano ardayda dusgiyada dhigta iyo maamulka degmooyinka, iyo dadweynahaba iyadoo ciyaaro na dhex mari jireen.Waxa jiri jirtay dugsiyada dhexe inay yeeshaan tartan kubadeed.Waxa aanu lahayn hab fan iyo hab doodeed. Iyadoo la jili jiray riwaayado carabi iyo ingiriisba aha.Waxa aan lahayn hab doodeed, (debate) kaas oo lagu baran jiray dimuquraadiyadda, iyadoo doodda ka dib la foodi jiray.Waxa aan lahayn urur ardayeed(Students Union), macalimiintuna waxa ay lahaayeen (Teachers Union), waana kuwii dhaliyey in Dugsiga Farah Oomaar la dhiso, markii mudaharaaado dhaawac keenay lagu oogay dawladii xilligaa jirtay. Sanadba sanadka ka dambeeya ayey arrimahani sii baa'baayeen. Ilaa Ina Barre yimid oo uu ooda u jiiday hab-dimuquraadiyeedkii dalka oo la waayey urur nooc kasta ha ahaadee, mid xisbi iyo mid bulshaba.Waxa xidhmay xoriyaddii jaraaidka, waxaan bilaabmay odhaahdii ahayd "Car juuq dhe", waxana ku soo biiray habkii dawladda, ciidamo gaar ah oo loo qortay inay muwaadinka cagaha hoos gashaan, kuwaas oo ahaa NSS iyo maxkamado la hal maala ciidankan oo ah Maxkamadda Badbaadada Dalka...oo runtii ahayd Maxkamadda Madax-jabinta Muwaadinka.Waxa ayaan darro ah in maanta weli raadkoodi taagan yahay. Waxa taas si toos ah u xaqiijiyey Guddoomiyaha Maxkammadda Sare oo sheegay in dad badan lagu xidhay sharci darro, oo loo adeegsaday "Xukunka degdega ah". Waa in la xusaa ragii u soo halgamay xoriyadda, xisbiyadii jiray iyo giraanta taariikhda oo lagu xidhiidhiyo halgankii SNM, lana maamuuso ciddii ku dhimmatay, kuwa ku agoonoomay iyo inta nool oo la qadariyo. Waa in ubadka loo qoraa taariikhda.Ogow cidda aan aqoon waxay shallayto ahayd ma garan karto waxay noqon berito. Haddaba xukunkii faqashtu waxa uu keenay cadaalad darro, eex iyo ku tumasho xuquuqda aadmiga, waana arrimahan kuwa aynu ka dagaalanay. Illahay mahadii weynu ku guulaysanay, balse waxaad moodaa in talaabada aynu ku soconaa tahay tii diinka. 14 sano waxaad moodaa in loo arko 14 bilood. Waa muddo aad u dheer oo wax badan la qaban lahaa.Weli ma sugna himilada qudha ee dadweynaha qancinaysa, ahna mid aad u sahalan haddii la helo madax u heelan inay hirgeliyaan barnaamaj qorsheysan oo lagu gaadhaayo...waa CADDAALAD...CADDAALAD.....WAA CADDAALAD SHARCIGA LOO SINAADO. Waxa ayaan darro ah in si hawl yar loo dacaayadiiyo ciddii ummadan u hurtay naftooda. Waxa la marayaa heer aflagaado iyo xaqiraad lagu dhoobo intii ugu mudnayd halkankii dhowaa een weli midhihiisa la goosan, waa kii SNM, markaas yaa xusuusan kara raggii lixdanka soo halgamay. Ninka naftiisa u huray kor u qaadka nolasha dadkiisa, maxaa ka dhigay in lagu tilmaamo dayday, maxaa u diiday in loo arko nin mudan inuu hogaamiye noqdo. Yaa kaga habboon inuu reerka u raro meel baad iyo biyo leh. Ogow isagaa naftiisa u huray inuu taas gaadhsiiyo, waa nin mari kara dariiq taas lagu gaadho.Ma lehi iyagaa keli xaq u leh taas, waxaan se leeyahay ha ku helaan dhibco (points) dagaalka ay soo galeen. Iska daa dhibco ay helaan, ee waxa ay ku noqotay canbaar dhabanka kaga taal. Intaad maqashay....SNM xiligeedi dhammaa, dagaal iyo dirir looma baahna..Waxa dhab ah in ninka xiliga dagaalka naftiisa dalka u huraa yahay kan ugu jecel dhismehiisa. Waxaad moodaa in laga dhigay hadafkii SNM inuu ahaa dagaal. Waa ayaan darro in dadweyne badani dacaayaddan jaban laga dhaadhiciyo. Dagaalku waxuu ahaa mid leynagu qasbay, waxuu ahaa dariiq loo maraayo hadafka oo ah in la helo maamul, caddaalad iyo horumar ummaddda u horseeda.Dagaal ayna ujeeddo ka dambeyni waa mid aan dhammaad lahayn. SNM na waa mid taas ka dheer. Waa mid ambo qaaday geedi socodka sooyaalka Somaliland, iyadoo toosiyey qaladkii lagu sameeyey dadweynaha Somaliland. Waxay ambo qaaday dhammeystirkii geedigii ay bilaabeen Sheikh Bashiir, Faarah Oomaar, iyo xisbiyadda SNL iyo NUF. Aan jaleeco macaanka gobannimadu leedahay.Bal dhoox, ereyada macaan ee ku jirta heesaha caanka ah..Dharaarta aan waxyeeda dhaqdhaqee..waa dharar farxad iyo damaashaad mudan..ee aan maalno hasheen maandeeq..
|
No comments:
Post a Comment