By Axmed Carwo: 20kii May ee 2007 waxa ka dhacay magaalada Cardiff xaflad si heer sare ah loo soo abaabulay laguna qabtay Hotelka NOVOTEL Taas oo lagu xuseeyey sannadguuradii 16naad ee maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka May. Waxa isla markaas lagu soo dhaweeyey wafti uu horkacaayey Madaxweyne Xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin.
Waxa xafladda si wadajir ah u soo abaabulay bulshoweynta Soomaaliland ee Wales. Waxaan ka soo qayb galay rag iyo dumar, caruur iyo ciroole, mucaarid iyo muxaafid. Waxaa mar keliya sacab iyo mashxarad isla oogsaday madasha markii wafdigu albaabka ka soo galay, iyadoo la ruxaayo calanka Jamhuuriyadda Soomaaliland.
Xafladda waxa lagu furay aayado quraan ah oo uu akhriyey Sh. Cabdirahmaan Doodi. Waxaa xigay Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Wales Mudane Axmed Xasan Carwo. Mudane Carwo waxuu hadalkiisa ku soo qaaday isku duubnida Jaaliyadda iyo taariikhdeeda wadaniyeed. Waxuu yidhi " Reer Cardiff waxa lagu yaqaan soo dhoweyn aan lahayn istus, ka madhan miisig iyo durbaan, kuna dheehan diinteena suuban iyo dhaqankeen. Waxuu si kaftan ah u raaciyey; ….Waxaan maqlay siyaasi Maraykan ah oo sanad walba soo booqda magaalo aan looga baran soodhoweynta istuska ah, oo weliba su'aalo adag looga bartay. Kolkii la weydiiyey waxa uu magaladan u jecel yahay, waxuu yidhi: meelaha kale waxaan ilooba inaan aadmi ahay, oo soo dhoweynta la qurxiyey oo wax walba laga dhigay wax I raali geliya, ayaan is idhaahdaa ma laha waa aakhiro meesho, magaaladani waxay dib iigu soo celisaa ifka, oo dadku aadmigoodi ku soo noqdaan, anigana iga dhiga qof aadmi ah. Taasaan ku jecelay, ayuu yidhi .
Axmed Carwo waxuu yidhi " Haddaba Caardiff malaha wax badan ayey magaaladaas la wadaagtaa. Waa soo dhoweyn diiran oo dad aan dhaqankooda iyo cadadooda waxba ku darin, mid aan istus ahayn oo qalbiga ka soo go'day. Wafdiga waanu soo dhowynaynaa anagoo wada jirna, waana noo sharaf iyo maamus in Madaxweyne ku Xigeenku manta uu marti noo yahay isaga iyo Wasiirada, xildhibaanka, xidhiidiyaha Jaaliyadaha, iyo gabadhayada aanu Cardiff ahaan ku faano waa Faadumo Siciid, oo ah gabadh reer Wales ah oonu aad ugu faano, Dhammaan ku soo dhowaad Cardiff, waa xaruntii halganka xoreynta Somaliland……"
Intaas ka dib waxaa hadal gaaban oo taariikhda Cardiff ah akhriyey laba oday oo ruug caddaagii hore ah waa Maxamed Qaarlibaax iyo Cumar Kibaar. Deedna waxa hadalka la wareegay wafdiga oo uu horeeyey Cabdi Xasn Buuni oo yidhi: " Waxaan idiinku mahadnaqayaa soo dhoweyntan aydun u wado dhan tihiin. Intaan meel tegay weli ma arag madal ka sharaf badan tan manta. Ma arag meel intaas oo waayeel ahi joogaan. Cardiff waa ii manta, magaceeda se waan hayey. Waxaan ka marag kacayaa in sharaftii aan maqli jiray tahay mid aad mutaysateen oo manta ii cadaatay…Waxuu tibaaxay wadajirka Somaliland ee beelaha iyo Golayaashu inay sal u tahay guusha aynu gaadhnay, loona baahan yahay in la sii adkeeyo."
Waxa isna hadlay Xildhibaan Farxaan oo ka hadlay marxaladii ay soo martay taariikhda Golaha Wakiilada. Waxaa isna hadalka qaatay Wasiir Xigeenka Caafimaadka Mud. Mahdi Cismaan oo aad uga hadlay arrimha caafimaadka gaar ahaan dadka xiska wax uga dhiman yihiin iyo naafadii halganka. Waxuu dalbaday in qurbajoogu labadaas qolo taageero u fidiyeen una doonaan daryeel guud.
Waxa qudbadii u baxay Madax/Xigeenka Mud. Axmed Yuusuf Yaasiin oo si qotodheer oo xamaasad iyo kaftan wadatay uga xogwaramay xaaladda dalka iyo sooyaalkii halganka, ku dhawaaqii la soo noqoshada gobanimadii luntay ee Burco, shirarkii nabadda iyo Shirweynahii Borame ilaa seddexdii doorasho iyo dhismaha dimuquraadiyada Waxuu yidhi " Reer Cardiff salaam diiran iga guddooma. Waa madal si gaar ah ii taabatay. Weli ma arag meel intaas oo koofiyadle fadhiyaan. Ragii aan dalka ka doonaayay meeshan ayey ku urureen. Waana tan magaca magaalada kor u qaaday. Dalkeenu aad ayuu idiin tabayaa… Waxaan idin leeyhay ogaada wada jirka ogaada in cadow inagu xeeran yahay. Duruufaha jira waxaynu kaga kudbaynaa wadajirka. Waxii khilaaf ah waxaan qabaa in wada tashi lagu daweeyo. Waana sida aynu guusha ku gaadhnay. Aan digtoonaano. Calanka tooxiidku ku qoran yahay ma aha mid degaaya…."
Waxuu Madax/Xigeenku tibaaxay dhaqaale yarida iyo aqoonta dadka ee hooseysa oo raad weyn ku leh hab maamulka dalka. Waxuuna si gaar ah u taabtay arrimaha garsoorka iyo dhibaatada dhulka,
Waxa isna hadal murtiyeed ka yidhi Aaden Suldaan Cabdirahman Suldaan Diiriye, oo tilmaamay sida aadmiga shaydaanku u weheliyo oo uu marwalba shaki iyo kala qaybsanaan kula dhex jiro.
Waxa xafladda lagu gunaanaday Shahaadad Sharaf la siiyey Jaaliyadda iyo shahaadad gaar ah oo la siiyey Muwaadin Ibraahim Carab oo hawlwadeen ka ah xafiiska Talobixinta ee SPA, uuna ku mutaystay hawlkarnimo iyo taakulinta xubnaha Jaaliyadda ee Cardiff. Waxa xafladda daadihinaayey Ibraahim Xirsi. Xafladda waxa qaban qaabiyey jaaliyadda Somaliland ee Wales oo ay hormood ka yihiin Somali Progressive Association iyo Somali Integration Society.
Ahmed Arwo
Cardiff, Wales
Email: samotalis@googlemail.com
No comments:
Post a Comment