03 December, 2014

“Cid kasta Oo looga Shakiyo Nabad-galyo daro Gacan Bira Xukuumadu Ha ku Qabto”


“Cid kasta Oo looga Shakiyo Nabad-galyo daro Gacan Bira Xukuumadu Ha ku Qabto”

Salaadiinta Gobolka awdalBoorame (Somaliland.Org)- Salaadiinta iyo waxgaraddka Goboladda Awdal Iyo Salel ayaa maanta cambaareeyay mudaharaad rabshado watay oo Isniintii ka dhacay magaaladda Boorame, Kaasi oo lagaga soo horjeeday xadhiga Maayarkii hore ee Boorame Cabdiraxmaan Shide Bille oo ciidammada ammaanku ku xidheen Boorame.
Madax-dhaqameedkan oo Shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Boorama ayaa waxa kale oo ay ku baaqay in Shacabku ay ka feejignaadaan falalka wax u dhimaya nabadgelyadda wadanka
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, oo ugu horayn Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaad ogtihiin in shalay (Doraad) rabshado ay ka dheceen Magaalada Boorama, kuwaas oo ka bilawday Qof Boolisku xidheen, runtii looma-baahna in aynu dhibaatooyin samayno waayo wixii dhacay haddii ay cidi wax ku noqon lahayd dhibaatadaasi way ina wada damqi lahayd, laakiin Alxamdulilaah.”
Suldaan Xasan Xaadi Bidde oo isna sheegay in Nabad-gelyaddu ay muhiimadda gaar ah ug fadhido Bulshadda, waxaanu yidhi “Waxaan diyaar u nahay in aanu Gacan Bir ah ku qabano cid kasta oo wax-yeelaynaysa nabadgelyadda, haddii ay tahay Suldaan, Oday , Caaqil, Siyaasi ama Qof caadiya, waxaanan garab-taaganahay oo aanu taageeraynaa cida Nabad-galyada u xil-saaran ee ah Ciidanka Booliska, iyo Dawladda, mana ogolaaanayno in lanagu goodhi-baadho oo kolba waxa la sheego. Shalay (Doraad) wixii dhacay, waxaan leenahay cidii ku lug lahayd ka tanaasula, kana fogaada Dhibaatooyinka noocaas ah, waayo ILAAHAY ayaa inoo sahlay, sidaa uun bayna ku bilaabantaa.”
Suldaan Xasan Xaadi oo hadalkiisa sii watay wjuxuu yidhi “ Waxaan balan qaadaynaa in ayna dib u dhici-doonin arrimahaasi oo kale, ogaada in Gacan Bir ah aanu ku qaban-doono Rabshad wadayaasha, annaga oo Salaadiinti Dhaqanka ah. Yeeli mayno in ay dib u dhacdo taasi oo kale.”
Sidoo kale Suldaan Sheekh Ibraahim Cabdi Riiraash oo ka mid ah isna Maxdhaqameedka Gobolka Awdal ayaa sheegay in loo baahan-yahay in laga taxadiro falalka waxyeelaynaya Nabad-gelyadda, waxaanu yidhi “Nabad-gelyadda si adag ayaa lagu dhisaa, balse waxa loo dumin karaa waa si fudud, sidaa darteed cida si fudud lagu kicin karoow adigaa ugu dhib xun. Adigay ku dan-barsan adigaana ugu dhib xun ee ka fogow ayaan leeyahay bulshadda.”
Jiif Caaqil Cabdi Cigge Salal ayaa isaguna sheegay in loo baahan-yahay sidii dhinac looga soo wadda-jeedsan lahaa ilaalinta Amniga, waxaanu yidhi “Shalay(isniintii) wixii dhacay oo runtii ka bilawday Waalid la xidhay oo Inamadiisii bilaabeen markii hore buuq, laakiin marka Rabshad Qof sameeyo waxa ku biira Tuuga Rabshad wadaha iyo dadka inta maan gaabka ah. Waxa la arkayay taayiro ay Dhalinyarro ku gubayeen Wadadii cusbayd ee Laamiga ahayd ee hadda faraha laga qaaday , looma-baahna in aynu bur-burino Hantiddeena , haddii Bulshada kale ay Dhalinyaradaasi qabtaaan iyadda oo aan Rabshado dhicin ayaa wax-kasta la Xalinkaro.”
Caaqil Xasan ayaa isaguna sii xoojiyay Baaqan ay Salaadiinta Gobolka Awdal ay ku baaqeen ilaalinta Nabad-gelyadda, waxaanu yidhi “Ogaada qof kasta oo la tuhmo waala qaban, waa la baadhi haddii aanu wax Dembiya lahayna waa la iska sii dayn, uma-baahnin arrimo sidaasi loo maarayn karo in Hantiyi ku bur-burto, ama cidi wax inagaga noqoto.”
Somaliland.Org/Hargeysa

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: