28 May, 2017

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO,GEERIDA ISMAAIL XUSEEN (XIIN-JAAN)


 DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO,GEERIDA ISMAAIL XUSEEN (XIIN-JAAN)


Anoo ku hadlaaya afkayga iyo kan xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan tacsi u dirayaa xaaska, ubadka, tafiirta, ehelka, qaraabada, asxaabta, xigto iyo xigaalka marxuum Ismaaciil Xuseen  Xandule, oo ku geeriyooday shalay 1da Ramadaan 1438 magaalada Hargeysa.  

Ismaaciil waxuu ahaa nin aan ilaa yaraantii aqaanay tolniimo iyo saxaabnimaba, inaadeer tol jecel. NIn taariikh yahan ah oo aqoon badan wax badana aan ka faa'iday. Nin cibaado badan oo ehelu taqwa ah, bulshaawi farxad dadka ku qaabila, ubadkiisa iyo xaaskiisa ehelnimada ay u raacday saaxiibnimo oo aad ula kaftami jiray, taas oo dadkeena ku yar. Waxuu ahaa nin run ku nool oon xaqqa baal marin, nin xalaal quute ah oon xaaraan ag marin.

Waxaan marxuumka Alle uga baryayaa inuu qabriga u nuuro, u waasiciyo, ugana dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare. Ehel, asxaab, xaas, uabad iyo tafiirna waafajiyo samir iyo duco

Mustashar Axmed Carwo
00252 424 2077 

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: