14 January, 2017

DHAMBAAL TACSI AH UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO , GEERIDA MARXUUM MAXAMUUD AXMED XIRSI (DHOOLDAHABLE)

INAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN. Waxaan tacsi u dirayaa xaasaskii, tafiirtii, ehelkii, qarabadii, xigtadii, xigaalkii, iyo guud ahaan qaranka Soomaliland xukuumad iyo shacbiba geerida Maxuum Maxamuud Dhooldahable, gaar ahaan gobalka Maroodijeex ee uu ka soo jeeday, iyo xisbiga Kulmiye, iyo qoyska reer Dhooldahable ee uu odayga u ahaa.  Waxaan tacsida kaga wakiil ahay xaaskeyga, iyo reer Cabdi Carwo meel kasta ooy kala jooganba.

Marxuum Maxamuud Dhooldahable, waxuu ahaa saxiibada ugu qaalisanaa ee aabahay AHU uu lahaa, anna waxuu ii ahaa waalid talo iyo tilmaan badan iyo taariikhba aan ka helay. Marxuum Maxamuud waxaan keli u helay fursad dahab ah, kol aanu bil ku wado jirnay Hotel Horseed ee Jabuuti 1981. Kolkaas oon tegi kari waayey Xamar, deedna fiiso camal Sucuudi ah,ley soo dhigay Jabuuti. Maqribka ilaa saacadaha yaryar ee habeenkii waxay noo ahayd kulan joogto ah, annagoo xiligaas heli jirnay war dhiilo ah oo joogto ah kana yimaada Hargeysa, iyo dhacdooyin taariikheed oon si wacan uga guntay marxuumka.

Waxaan ku xusuustaa, nin bulshaawi ah oo dad jiidasho iyo dad jeceyl ku dhammaa, hoggaamiye aftahan ah oo ku dhiiran weedhiisa, gar yaqaan aan duulduulin, iyo xaakin garta lagu aamino. Marxuum Maxamuud waxuu ahaa halyeel ka mid ah raggii qoraga qaatay iyaga oon da'du ka duwin xaqaa uu isu taagay halgankii SNM, nin kaalinta dhalinta iyo waayeeku isagu mid ahaa. Nin talaabo dheer oo aragti fog.
Waxuu ahaa tiir adag oo ka mid ah raggii dhidibka u aasay qarannimada Soomaliland. Kamuu nasan ee waxuu u guntaday dhismihii xisbiyada iyo dimuquraadiyadda, isagoo kow ka ahaa musdambeedka xisbiga Kulmiye. Kumuu gaabin talo bixinta hoggaaminta dalka, isagoo ahaa saaaxiib weyn oo uu Madaxweyne Axmed Maxamed lahaa, ilaa intii uu xanuunku soo ritay, xanuunkaas oo uu muddo sannado aha u jiifay.

Alle waxaan marxuumka uga baryayaa dambi dhaaf, iyo inuu qabriga u nuuro una waasiciyo, kuna manaysto jannatul fardaws, dhammaanna ina waafajiyo samir iyo duco.

INNAA LILLAAH WA INNA ILLEYHI RAAJACUUN.

Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga,
samotalis@gmail.com
00252 634242077

No comments: