11 January, 2017

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM ANIIS SAALAX XAAJI XASAN


DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM  ANIIS SAALAX XAAJI XASAN



 Waxaan tacsida la wadaagayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan reer Cabdi Carwo, xaaskeyga Amaal Cumar Carte, ehel, asxaab, qaraabo, xigto iyo xigaalka marxuumaka, gaar ahaan Xaaskiisa Iyo tafiirtiisa meel kasta ooy degan yihiin.Sidoo kale ayaan tacsida la wadaagayaa qaranka Soomaliland ee uu muddo dheer u shaqeeyey shacbi iyo xukuumadba, gaar ahaan GOBALKA SANAAG, ee uu muddo dheer ka ahaa isuduwaha Waxbarashada.
 Marxuum Aniis waxuu ahaa nin muwaadin ah oo hawlaha qaran muddo dheer ku jiray isla markaasna ahaa xisbiyahan ka hawl galay xisbiga Kulmiye xiligii doorashooyinka Madaxtooyada 2010, oo aanu meelo badan ku kulnay.


Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duco.









Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: