06 December, 2016

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM AXMED AADAN CALI (GOODIR)


DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM  AXMED AADAN CALI (GOODIR)



 Waxaan tacsida la wadaagayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan reer Cabdi Carwo, xaaskeyga Amaal Cumar Carte, ehel, asxaab, qaraabo, xigto iyo xigaalka marxuumaka, gaar ahaan Xaaskiisa Iyo tafiirtiisa meel kasta ooy degan yihiin.Sidoo kale ayaan tacsida la wadaagayaa qaranka Soomaliland ee uu muddo dheer u shaqeeyey shacbi iyo xukuumadba, gaar ahaan xisbiga Kulmiye oo uu ahaa musdambeedka amran.

 Marxuum Axmed waxuu ii ahaa aabbo oo kale nin aad u yaqaanay aabahay oo wax badan iiga sheegay, anna aan fursad u helay inaan la shaqeeyo. Waxuu ahaa nin talooyin badan i siiyey xili aan u baahnaa, nin wax badan oon ku dhaqaaqi lahaa iga qabtay, ii sheegay in siyaasaddu tahay samir iyo dulqaad. Waxuu ahaa nin ila jecel meel weyn iyo xil culus tamartiina xaawilay. Waxuu ii sheegay in kolka wax culus iyo meel adag arrin kaa galo inaan dagaal la qaadin iyo inaan laga cararin ee la xamilo, lana sugu fursad guul lagu gaadho. Waa talo aan ku dhaqmo wanaagna aan ku gaadhay. Waxuu ahaa siyaasi hadal cad oo geesi ku ah fikirkiisa, yaqaanay xiliga weydha la rito iyo xiliga aamuska yahay tabta ugu fiican.

Marxuum Axmed Aadan Cali (Goodir) waxa uu ahaa siyaasi ruug-caddaa ah oo taariikh wayn ku lahaa Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shaqooyin iyo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyey ee soo maray dalka, waxa uu ka mid ahaa toddobadii xubnood ee Komishankii Doorashooyinkii ugu horreeyey ee Somaliland, waxaannu hadda ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dawladaha hoose, waxa kaloo uu ka mid ahaa xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE. Sidoo kale, waxa uu doorka wayn ku lahaa halgannadii kala dambeeyey ee waddanka iyo dadaalladii dawlad dhiska Qaranka Somaliland.

Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duco.

Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

http://samotalis.blogspot.com




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: