29 October, 2016

SOCDAALKII SAADAASHA WACAN...QAYBTII LABAAD..MUSTASHAR AXMED CARWO

KULANKII HALDOORKA JAALIYADDA SOMALILAND EE UK IYO MURASHAXA MADAXWEYNHA EE KULMIYE

Waxa noo bilaabantay dhinacii labaad ee socdaalka waa kulamadii Murashaxa Madaxweynha ee Kulmiye Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi. Boqoshada hoteelka ee qaraabo, asxaab iyo muwaadin waxa barbar socda kulamo sifo rasmi ah loo agaasimay oo jaaliyad iyo garabo dawladda dalka UK ka tirsanba leh.

Laba xafladood ee Birmingham iyo Sheffield lamaan socon oo wafdiga waxaan kaga daahay Passportkii oo iga lumay, oon bedelkiisa Addis u joogay. Waxaan se ka daawaday Tvga oo xafaldo heer sare oo Murashaxu ku soo bandhigay qaybo ka mid ah barnaamajka Kulmiye ee dorashada 2017 iyo hiigsigiisa iyo hummiladiisa hogaameed.  

Waxa ugu horeysay habeenkii xigtay, habeenkii weynaa ee Kulnakii Madaxweynha een qaytii kowaad kaga soo hadlay. Xafladdan caawa oo ah 9 October 2016, waa hotel kale iyo fagaare xul ah oo haldoor iyo aqoonyahanka Somaliland ay ku casuumeyn Murashaxa iyo xog wareysi inagu cusub. Waa su' aalo aan hore loo shaacin oo ruux kasta fursad loo siiyey inuu Murashaxa ku gano, si loo helo mabda'iisa, dulqaadkiisa, aftahankiisa, aqoontiisa iyo ugu horeyn hogaamintiisa.

Mey ahayn sidii cadada ahyd in su'aalo la soo qoro, deedna la kala doorto. Waa su'aal iyo ninkeeda amba gabadheeda oon hore loo ogayn. Anoo idinku dhaafaaya warbixin kooban oo video ah, aan idin xusuusiyo, qodobada nuxurka jawaabaha Murashaxu ku soo uruurtay oo aad u kooban. Waa ani iyo caqligeyga intaan ka doortay, ee ma aha inta ugu muhuumsanayd, ninba meel ayaa u culus. Barnamajku waxuu socday ku dhowaad seddex saacadood. Markaas waad garan karta inta yar een shegey intay ka tahay.

GUJI HALKAN OO DAAWO:

http://halgannews.net/articles/2187/DaawoHaldoorka-Magaalada-London-Oo-Muuse-Biixi-Suaalo-Ku-Dhego-Barjeeyey-Kulan-Dheerna-La-Qaatay

1- Murashaxu waxuu culays saarayaa nabadgelyada, difaaca qaranka iyo qofka. Waa in la dhisaa ciidan, boliis, sir doon tayo, qalab iyo tababarba leh.Taas si loo helo waa in sharcigu shaqeeya, boliiska iyo garsoorka guud ahaan madax banaanadaan, awood fulineedna yeeshaan, qalab iyo mushahar ay ku hawl galaana la door bido. Waa in sharcigu noqdaa mid loo siman yahay oo lagu kala baxaa, lagu kalsoonaada, lagana baxaa xeer jabjabka.

2- Tayayenta Tacliinta, oo lagu sar jaro baahiyaha qaranka. Iyo in la sameeyo dugsiyo farsamo.
3- In La hirgeliyo barnaamajka Iskaa Wax U qabso iyo Shaqo qaran oo dhalinta lagu siiyo fursad ay dalkooda wax u qabtaan
4- In la dhiso lana hirgeliyo barnaamaj degmo kasta iyo gobal kastaba ay yeelato tartan isboorti oo joogta ah, si dhalinyarada looga baajiyo waqti firaaqaha iyo tahriibta. Tahriibtu waa aafo dunida oo dhan ka taagan, waana in aynu ka yeelano siyaasad cad oo dhiirigelisa shaqo abuurka iyo dhirigelinta isbortiga, iyo wacyigelin joogto ah kuna sabsan la dagaalanka maan dooriyaasha.
5- Dib u eegid ayaa lagu sameyn doonaa nidaamka maaliyadda guud ahaan gaar ahaan habka cashuur qaadista, iyada ooynu horumarinayno cshuurta tooska ah ee ku dhisan awoodda qofka iyo dakhligiisa (Income Tax), iyada oo aynu yareyn doono ku tiirsanaanta cashuurta dadban ( Indirect Tax) ee culayskeedu si gaar ah ugu dhaco dan yarta.
6-Maalgashiga muwaadin iyo ajnabiba waxuu ku dhisnaan doonaa baahida dalka iyo faa'iidoonka guud ee laga helaayo. Waxa la dhiirogelin doonaa wax soo saarka beeraha, kalluumeysiga iyo xoolaha. Dhaqaalaha dalku waxuu ku dhisnaan doonaa in degmooyinka dalka oo dhan la gaadhsiiyo, weliba kuwa dambeeya kor loo qaado, iyadoo la dhiirielinaayo maalgashiga degmooyinkaas.   

Aan u dhaafo qiimeynta intii goob jooga ahayd, walow aan ogahay dareenkooda oo ahaa mid ay ku muujiyeen qushuuc iyo dhoola-caddeyn. Waxaan se ogaaday kolka dadku rabaan inay madaxdooda si niyad san ay u qiimeeyaan inay heli karaan cidda ku habboon hoggaaminta dalka.

Bulshooy qiimee ninkaad hogaaminta dalka u dhiibeyso, hoggaamiye waa nin looga baahan yahay go'aan qaadasho, nin wax dhegeysta, xusuus badan, samir badan, soo maray marxalado go'aan adag, nin dalka la wadaaga nolol iyo taariikh, nin dhaqan iyo diin wanaag leh. Nin dadka la tashada laakiin go'aanka isagu gaadha. Nin sharcigu qabto oon noqon sida kuwa ku faana meel haddii lagu magacaabo waa intaad baneysataa. Kuwaasi hadday hoggaanka qabtaan distoor xidhimaayo, sharcina qabanmaayo

Guul iyo Midnimo, Insha Allah

Mustashar Axmed Xasan Carwo


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: