26 October, 2016

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM COL FAYSAL KAAMIL

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM COL FAYSAL KAAMIL


 Waxaan tacsida la wadaagayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan reer Cabdi Carwo, xaaskeyga Amaal Cumar Carte, ehel, asxaab, qaraabo, xigto iyo xigaalka marxuumaka, gaar ahaan REER KAAMIL, Xaaskiisa Iyo tafiirtiisa. 

Col Faysal  waxuu ahaa Sarkaal ciidanka ah, isagoo ahaa muddo dheer Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada, oonu aad isagu baranay. Nin xarogo badan, dad aqoon ah, kaftan badan, bulshaawi aan cidna ka weji dedbin xitaa kuwa ay siyaasadda meelo kala fog kala joogaan.

Col Faysal Kaamil waxaan tacsida la wadaagayaa ciidanka qaranka, ciidanka madaxtooyada ee uu hoggaanka u hayey mudada dheer, shaqaalaha Madaxtooyada ee uu ku laha asxaab badan ooy ugu horeeyaan La-taliyaasha, waxaan sidoo kale la wadaagayaa Gobalka Gabiley ee uu ka soo jeedey, iyo xididkiisa Burco Bari.

Col Faysal  waxa iigu dambeysay bishan October horaanteed oo aanu salaadda Maqrib iyo Cishaba ku wado tukan jirnay Masjidka Hotel Gulaid, nin caafimaad qaba oon in yar oo xanuun ihi ka muuqan ayuu ahaa. Naftu meel ma jirto, oo ruux waliba wuu dhadhamin geerida iyo xiliga Alle u qoray.

 Alle waxaan uga baryayaa inuu ka abaal mariyo falalkiisa wacnaa, dambigiisana dhaafo uguna naxariisto wanaaga uu la jeclaa ummadiisa.

Col Faysal Kaamil waxa lu geeriyooday maanta 26/10/2018 iyo magaalada Hargeysa.

Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duco.

Axmed Xasan Carwo
samotalis@gmail.com

https://www.facebook.com/aharwo/


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: