27 January, 2016

Tacsi ka timid La-taliyaha Madaxweynaha ee dhaqaalaha iyo Ganacsiga Axmed Carwo

Tacsi ka timid La-taliyaha Madaxweynaha ee dhaqaalaha iyo Ganacsiga Axmed Carwo TACSI GEERIDA Maxamuud Iimaan Mufle

Tacsi ka timid La-taliyaha Madaxweynaha ee dhaqaalaha iyo Ganacsiga Axmed Carwo




Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuum Maxamuud Iimaan Mufle ka baxay gaar ahaan reer Iimaan Mufle iyo tafiirtooda.. Maxamuud oo ahaa nin shaqooyin muhiim ah ka soo qabtay Wasaaraddii Beeraha ee Soomaliya qaybaheeda sida Wakaaladdii Onat oo uu ka ahaa mareeye Goballo badan oo dhowr ah, waxuu ahaa aftahan bulshaawi ah oo aad u kaftan badan. Nin aan agtiisa lagu haamansan, laguna qaloon. Nin aanu isku kacaan ahayn oonu aad isagu dhoweyn oon aad u jeclaa kaftankiisa iyo sida reer magaalnimada ah ee uu hadalka dusha uga sheegi jiray, nin aqoon dheeraa oo aragti fogaa, waxtar badan oo saaxiibtimo leh. 

Alle ha u naxariisto Maxamuud, ehel iyo asxaabna heyna wafajiyo samir iyo duco. Maxamuud waxa lagu aasay Hargeysa 25/01/2016
Inaa lilaa wa inaa illeyhi raajacuun.


Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
Ganacsiga iyo Malgashiga


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: