28 January, 2016

KULMIYE WAA BAR KULANKA BULSHOWEYNTA SOOMALILAND







Waxa waajib ah in arrimaha qarannimada wax yeelaaya aynu iska jirno, oo siyaasadda debedda, difaaca iyo ictiraaf doonka ka mideysnaano..ma aha in mucaaridku dawladaha debedda uu ula tago arrimo doc furaaya siyaasadda khaarajika ee dalka. . Waxaan ku hanbalyeynayaa Guddoomiye Faysal sida sharafta ah ee arrimaha Qaranka u ilaaliyaa kolka uu debedda maraayo...Reer Kulmiye waxaan odhanayaa waxa galayaa tartan inaga dhexeeya xisbiyo, soo gabogabeeya loolankii dhammaaday, waa in dhammaan loo guntadaa sidii doorashada loogu guuleysan lahaa. Taasi waxay waajib ka dhigeysaa in guddiyada dib u habayn lagu sameeyo, si loo helo cidda ugu habboon ee guushaas keeni karta, ma gaadhayno wadajirka loo baahan yahay ilaa aynu dhowro nidaamka xisbiga, waa in sharciga xisbiga lagu dhaqmaa oo qofka baal marsan la mariyaa waxa inooga qoran..Waxaynu nahay xisbi curin leh oo hoggamin iyo wax qabad iibinaaya, meesha aynu marno waa leynaga daydaa, maqaaxida aynu shaaha ka cabno waa laga cabaa, geedka aynu fadhiisano waa la fadhiistaa..waa la arkaa cidda curinta leh ee wax hoggamin karta..daba socod ma noqdo hogaamiye, dadweyne wuu arkaa ee waa inaga iyo hawlgal mideysan, niyasd san iyo wadajir..Taladu dadka ayey ka go'daa waa inaynu ixtiraamnaa fikirkooda, mudnaanta baahidooda, iyo dhegeysi dhaliishooda...Kulmiye waa bar kulanka bulshoweynta Soomaliland, waxaynu nahay waayo arag dulqaad leh, soo maray mucaarid iyo muxaafidba..taariikhana waa kow xisbi sidan ihi.. ogow UDUB ma soo marin mucaarid..khibradaasi waa inoo gooni, ee waa inay inaga muuqataa..

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: