17 November, 2015

Tacsi ka timid La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha mustashaar Axmed Carwo geerida Axmed Xasan Cawke.


Innaalillaa wa innaa illeyhi raajacuun geerida Marxuum Axmed Xasan Cawke.


La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha, Ganacsigan iyo Maalgashiga Mustashar Axmed Xasan Carwo waxuu tacsi u dirayaa tafiirta, xaaska, ehelka, gacal, xigaal, asxaab iyo qaraabada uu ka tegey tiirkii weynaa ee warbaahinta Soomaliyeed Axmed Xasan Cawke. Waxuu la-taliyahu si gaar ah u xusay warbaahinta Soomalida mid saxaafadeed, mid idaacadeed iyo mid Tv oo la odhan karo intaba Cawke waxuu u ahaa tiir, waxuuna kaga tegey raad aan maydhmayn,
Mustashaar Axmed waxuu yidhi "Axmed Xasan Cawke isla xili ayaanu shaqada wada bilownay. Jiilkayagii 72-73 Xamar shaqada ka bilaabay. Cawke waxuu ahaa nin mihnadiisa jecel, oon u arag shaqada mid uu nolasha kaga faa'ido oo keliya sida loo badan yahay. Waxay isaga u ahayd shaqo iyo balwad. Taas ayaa ka dhigtay mid uu ka noqdo meel uu joogba xidig ka iftiima."

Marxuum Axmed Cawke waxuun xalay si kedis ah ugu geeriyooday magaalada Jigjiga ee Somali Zone Ethiopia.

Ahmed Cawke waxuu soo maray warbaahinta oo dhan, waxuu aha Weriye idaacadeed, idaacadda Xamara, BBC , VOA iyo dhammaan Tviyada Soomalida oo dhan. Waxaanu ahaan isku jiil isla kacaamay kaftan wadag ah oo markaan arkaba aanu qosol iyo ayaamo xusuus mudan aanu isla soo qaadi jirnay. Bashaash aan cidna ka waji dadbin qalbi furan, gacan furan, aftahan si hawl yar wax u dura, una duur xula.
Mustashaar Axmed waxuu raaciyey tacsida oo uu la wadaagayo dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo dhammaan taqaanay Cawke , si gaar ah Shacab iyo xukuumaddba reer Somaliland. 

Alle ha u dambi dhaafo, ha u naxariisto, qabriga ha u nuuro, dhammaanteena tafiir, xaas, ehel iyo asxaaba heyna waafajiyo duco iyo samir


Sent from Samsung tablet



Sent from Samsung tablet

No comments: