14 November, 2015

HAMBALYO KA TIMI MUWAADINIINTA SOMALILAND EE KU NOOL MAGALADA WASHINGTON DC IYO NAWAAXIGEEDA:

Hambalyo Ku Socota Muj. Muse Biixi Cabdi: Hambalyo ka timi muwaadiniinta Somaliland Ee Magaalada Washington DC- Iyo Nawaaxigeeda

HAMBALYO KA TIMI MUWAADINIINTA SOMALILAND EE KU NOOL MAGALADA WASHINGTON DC IYO NAWAAXIGEEDA:

Anagoo ah Muwaadiniinta xalaasha ah ee ku nool magalo madaxda cariga mareykana ee Washington dc….oo ah muwaadiniintii sida adag uga soo qayb qaatay halgankii adkaa ee loo soo maray dalkan Somaliland, kaas oo aanu bilowgii halganka ilaa hadda oo Somaliland ku faanto nabad iyo dumuqraadiyad aanu hiil iyo hooba la garab istaagno. Wax Ilaahay mahadeed ah in wadanka Somaliland maanta uu maraayo 24 jir ku taama nabad iyo dumuqraadiyad, kaas oo ay ka timi shicibweynaha xalaasha ah ee reer Somaliland oo gartay dantoodu waxay tahay.

Waxa cajiib ah oo lagu farxo noqotay arin aan ka dhicin wadamada dunida saddexaad, in madaxweyne ku fadhiya kursiga oo sharcigu u siinaayo in uu ordo mar labaad in uu yidhaahdo waan ka tanaasulay, anigoo siinaaya fursad dhalinta iga yaryar ee sida aadka ah iila soo shaqeeyay ilaayo intii aan wadanka u soo halgamaayay, taas oo uu maanta muujiyay Mujaahid Madaxweyne Ahmed Mohamed Mohamoud. "Siilaanyo". Taasi waxay ku tusaysaa sida uu odeygu u yahay ruug cadaa siyaasada ku xeel dheer iyo isagoo muujiyay odeynimo iyo isagoo tusaya siyaasiyiinta ka danbeysa in aanay laftoodu sidaas yeeli karaan.

Wixii ka dhacay bishan November 10, 2015 Magalada hargeysa ee Somaliland, Arin runtii lagu faano oo u noqonaysa dadka ku hadla afka somaliga iyo dunida saddexaad oo dhan arin lagaga daydo. Arinkaa oo u dhacay si ay ku dheehantahay dumuqraadiyad iyo bisayal siyaasadeed in uu ka jiro Somaliland iyo xisbiga talada wadanka haya ee Kulmiye. Taas oo ay dumuqraadiyadu leedahay waa in ay taliyaan dadka tirada bata "maaha qabiilka tirade badan", iyadoo la ilaalinaayo xuquuqda dadka laga tirda badan yahay. { Democracy is the rule of majority, to protect the right of minority}. Wixii ka dhacay doorashadii kulmiye waxay ahayd Democracy, taas oo si xalaal ah loogu doortay Mujaahid muse bixi cabdi iyo Abdiraxmaan Saylici.

Sideedaba markay meel ka dhacdo doorasho waa iska caadi in ay timaado dad ka soo hor jeesta oo diida oo yidhaah si xun bay u dhacaday,iyo waxbaa lays dhaafiyay lakiin gari Ilaahay bay taqaanaaye, doorashadii ka dhacday xisbiga kulmiye ee adduunkoo dhan dacaladiisa laga daawanaayay si toos ah , waliba aangu hadaanu nahay reer Washington dc aanu u soo jeednay si aan u daawano si toos ah , marnaba meesha kumaanu arkayn wax is dhaadh dhaadhin ah, waliba tii saylici iyo xaglo toosiye waa tii sida cad loo tiriyay kaadhadhkoodii.

Waxaanu markaa hambalyo u diraynaa Mujaahid Muse biixi cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan saylici, sida fiican ee ay ugu guulaysteen musharaxa madaxweynaha iyo ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye……waxaanu leenahay Ilaahay haydinku guuleeyo guusha danbe ee sanadka 2017.

Muwadiniinta Somaliland ee Washington dc

1-ANIIS CABDILLAHI CIISE

2-CABDIRAXMAAN BURCO

3-MOHAMED CUAMR WAJAALE

4-GARAAD CALI JAMAC CALI CASE

5-SULDAAN AHMED MAHDI XUSEEN 'CIIDAGALE"

6-CALI AW-MUSE MOHAMED " GEEDA"

7-AHMED CABDI AHMED ' SOODHE KUBADO"

8-IBARAHIM XARAF

9-AHMED JIRDE

10-SUGULE

11-MOHAMED CABDILLAHI CIISE

12-MOHAMED JABIYE

13-CUMAR CISMAAN

14-CABDISALAAN BARUUD JAMAC

15-CABDIQADIR BARUUD JAMAC

16-CABDINAASIR SHARIIF

17-CUMAR BIIXI CABDI

ILAAHAY BAA MAHAD LEH

SOMALILAND GOOL IYO GOBANIMO




Sent from Samsung tablet

No comments: