12 November, 2015

Tacsi ka timid Lataliyaha Madaxwenaha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga




La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo
Wuxu Tacsi U Dirayaa, gacansatada,wax-garadka, madax -dhaqameedyada, Eheladii qaraabadii iyo qoysaskii uu ka baxay Marxuum Ganacsade Ibraahin Cabdi Kaahin ( Ibraahin Dheere) oo kamid ahaa ganacsadata waa weyn ee reer Somaliland, kaas oo laga yaqaanay guud ahaaba geyiga somalidu degto iyo geeska afrika, oo maanta ku geeriyooday magaalada Jabuuti 12,11,2015

Mudane Axmed Carwo ayaa tacsi taasi lamid ah oo tiiraanyo leh u diraya xukuumadda & Shacab weynaha reer Jabuuti, isagoo ka tacsiyadaynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi marxuum Gacansade Ibraahim Cabdi Kaahin ( Ibraahim Dheere) oo maanta ku geeriyooday magaalo madaxda jamhuuriyada Jabuuti, ee Jabuuti.

Mudane Axmed Carwo ayaa ku sifeeyey marxuumka nin door muuqda ka soo qaatay horumarka Qaranka somaliland, isla markaana qayb libaaxle ka soo qaaday nabadayntii beelaha Jamhuuriyada somaliland,waxaanu xusay inuu ahaa adoon ehelu khayr ah oo cibaado badan, kana qayb-qaatay sadaqaadka jaariga ah ee kala duwan.

La-taliyahu wuxu Eebe uga baryayaa Marxuum ibraahim Cabdi Kaahin inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, ganacsatada wax-garadka iyo bahda madax-dhaqameedka, eheladii Qoysaskii , Qaraabadii, & shacabka reer somaliland iyo weliba shacabka reer Jabuuti. ee uu ka baxay marxuumku uu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

Aamiin Aamiin

Ahmed Arwo
Sent from my iPhone 

No comments: