16 July, 2015

Lataliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha iyo Maalgashiga oo Taci u diraaya geerida marxuum Fu'aad Aada

Tacsi Geerida marxuum Fu'aad Aadan Cadde

La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed Carwo, waxuu tacsi iyo murugo la qaybsanayaa shacab iyo xukuumadda Soomaliland guud ahaan geerida ku timid Marxuum Fu'aad Aadan Cadde LA-TALIYIHII Madaxweynaha ee Gobalada Barri. Waxuuna si gaar ah u tacsiyadeynayaa ehelka, ubadka, tafiirta, xaaska, qaraabada iyo qoyska reer Aadan Cadde iyo guud ahaan Goballada Bari.

Axmed oo ka waramaaya Marxuumku waxuu yidhi"waxuu ahaa nin aan cidi kaga horreyn dhismaha qarannimada Soomaliland, isagoo dagaal maskax, maal iyo ruuxba u huray nabadeenta iyo dhismaha qaranka. Aniga waxuu ii ahaa macalin iyo saaxiib aan wax badan ka bartay halgankii nabadeenta beelaha Soomaliland iyo dhismaha dawladnimo. Waxuu caan ku ahaa run sheeg, aan xaqqa ka aamusin, mabda adag oon sida loo badan yahay ahyn leydh raac iyo nin ka xorroobay cunsuridda qabiil isagoo taasi ka hor joogsan inuu beeshiisa u doono xuquuqdooda. WAXUU NECBAA QABYAALADDA AAN WAXTARKA LAHYN"


Fu'aad Alle ha u naxariisto hana ka yeelo kuwa dhaxla jannatul fardaws, iyadoo astaamo wacan inooga muuqdaan maalinta uu dhintay ee 29kii Ramadaan oo ah maalin raxmad iyo naxariis leh. Illaahay heyna waafajiyo inaynu u duceyno geesiga inaga baxay. Ehel iyo asxaabna Alle ha waafajiyo samir iyo iimaan.

Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
eci.advisor@gmail.com


Sent from Samsung tablet

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: