17 July, 2015

La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Mustashar Axmed Carwo iyo hanbalyada ciidda




Allaahu Akbar ,Allahu Akbar, Allahu Akbar. Waa dhawaaqa maanta ka yeedhaaya daafaha dunida oo dhan. Dal Islaam iyo mid gaalba. Ma jiro dal aan dhawaaqaasi ka baxayn. Waa nimco balladhaan iyo guul Alle. Waa ciidii soonfur oo ka dambeysay bishii quraanka bishii soonka ee ramadaan. Ayaamo kheyr iyo barako oo is barkaday.


Ciid mubaarak dhammaan ummadda Islaamka. Ku ciida caafimaad, ku ciida akhlaaq wacan iyo dhaqanka Islaamka. Isu duceeya isa saamaxa, isu naxa, is gargaara, miskiinka iyo inta baahan caawiya. Allow dabka ka baxaaya dunida Islaamka Allow bakhtii, Allow nabad iyo naruuro ku soo dabaal. Allow madaxdooda ku toosi xaqqa, kana leexi dulmiga iyo qalooca. Allow tubta toosan nagu hagaaji.

Soomaaliland shacab iyo xukuumad, rag iyo dumar, caruur iyo ciroole, miyi iyo magaalo iyo Soomaalida kale dhammaan iga guddooma salaanta ciidda iga guddooma hanbalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah, ciid mubaarak, ku ciida caafimaad, ku ciida nabad kuna ciida barwaaqo iyo naruuro, mustaqbal wacan iyo if iyo aakhiro san.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: