22 July, 2015

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO MAALGASHIGA MUSTASHAR AXMED CARWO

INNAA LILLAA WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN

GEERIDA MARXUUM SHEEKH CABDILLAAHI DIIRIYE SOORAAN


Mustashaar Axmed Xasan Carwo, la-taliyaha Madaaxweynaha ee Dhaqaalaha,  Ganacsiga iyo Maalgashigu waxuu tacsi u dirayaa Shacabweynaha, iyo Golayaasha Dawladda Somaliland gaar ahaan gobalka Hawd, iyo dhammaan beel weynta Soomaaliyeed , geerida ku timid Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan, waxuuna si gaar ah u tacsiyadeynayaa qoyska, tafiirta, ehelka kale, qaraabada, asxaabta iyo culumada Marxuumku sida gaar ah uga baxay. Cabdillaahi Sooraan waxuu ahaa nin bulshada u huray wacyogelin joogto ah, mid dhaqan iyo mid diineedba. Waxuu ahaa samofale foojigan, hanuuniye toosan, deeqsi aan jeeb iyo weedh midna ku masuugin, geesi hadal cad oo runta si asturan u sheega. Marxaladaha u soo marayna dhammaan ka ahaa xidig si cad uga muuqda.


ILLAAHAY WAXAAN UGA BARYAYAA SHEEKHA NAXARIIS, DAMBI DHAAF, IYO INUU QABRIGA U WAASICIYO, UGANA DHIGO BEER KA MID AH BEERAHA JANNATUL FARDAWSTA SARE. QOYS , EHEL, IYO DHAMMAAN SOOMAALIBA INA WAAFAJIYO SAMIR IYO DUCO.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: