29 December, 2014

La-taliyaha Madaxweynaha ee dhaqaalaha iyo Ganacsiga Axmed Carwo oo tacsi u diraaya qoyskii marxuum Maxamed Rashiid Muxumad Faarax


Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta marxuum Jaamac Haybe ka tekey.

Marxuum Maxamed Rashiid waxuu ahaa nin hal-adag, hogaamiye dhiiran, nin qayb weyn ku lahaa kobcinta saxaafadda xorta ah, xili adag soo maray. Waxaan xusuustaa ololahii doorashada Madaxtooyada ee 2010 doorka uu ku lahaa taageerada xisbiga KULMIYE oo uu khatar badan soo wajahay..

Waxuu ahaa xoghayaha ururka saxaafadda SOLJA .  
Maxamed Rashiid waxa uu ku geeriyooday dalka Kenya iyo magaalada Nayrobi oo uu xaalad caafimaad oo ka dhalatay shil baabuur oo ku helay dariiqa  Berbera ayaamo ka hor loo qaaday.

Waxaan Ilaahay uga baryaya marxuumka inuu ku abaal mariyo dambi dhaaf iyo inuu ka dhigo kuwa dhaxla janatul-fardaws, ehel iyo asxaabna inaga yeelo kuwa laasima samir iyo duco. .

Inaa lilaa wa inaa illeyhi raajacuun.


Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
Ganacsiga iyo Malgashiga

https://www.facebook.com/aharwo?ref=hl

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: