29 December, 2014

La-taliyaha Madaxweynaha ee dhaqaalaha iyo Ganacsiga Axmed Carwo oo tacsi u diraaya qoyskii marxuum Jaamac Haybe

La-taliyaha Madaxweynaha ee dhaqaalaha iyo Ganacsiga Axmed Carwo oo tacsi u diraaya qoyskii marxuum Jaamac Haybe

Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta  marxuum Jaamac Haybe  ka  tekey.

Marxuumka oon aqaanay 35 sano waxuu ahaa oday ku caan ah bulshoweynta Somaliland ee UK, isagoon marna ka hadhin arrin kasta oo taabanaysa danta guud debed iyo gudaba. Nin kaalin weyn kagaga jiray nabadeyntii beelaha, iyo siyaasadda dimuquraadiyada isagoo kaalin weyn kaga jiray xisbiga Kulmiye.  
Jamac Haybe waxa uu ku geeriyooday dalka hooyo 28/12/2014

Waxaan Ilaahay uga baryaya marxuumka inuu ku abaal mariyo dambi dhaaf iyo inuu ka dhigo kuwa dhaxla janatul-fardaws, ehel iyo asxaabna inaga yeelo kuwa laasima samir iyo duco. .

Inaa lilaa wa inaa illeyhi raajacuun.


Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
Ganacsiga iyo Malgashiga

https://www.facebook.com/aharwo?ref=hl

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: