29 December, 2014

Maanta Geesi Baa Baxay: Hoggaamiyihii Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland

Wargeyska Saxafi....Mustafe Sh. Cumar

Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ahaa xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA. ayaa xalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaaladda Nayroobi.
Alla Ha u naxariistee Marxuum Maxamed-rashiid waxaa magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya loo qaaday Jimcihii 26-kii Bisha December, ka dib markii Khamiistii ka horaysay dhaawac culusi ka soo gaadhay Shil Baabuur  oo ka dhacay duleedka magaaladda Berbera.  Marxuumka waxaa la keenayaa magaaladda Hargeysa oo manta qabanqaabadda Aaskiisu ka socoto Salaasada Bari 30-ka Bisha, waxaana lagu aasi doonaa Xaabalaha Xeedho haddii Alla Idmo.

Marxuum Maxamed-rashiid waxaa uu ahaa astaanta lagu garto xorriyadda Saxaafadda ka hana-qaaday Somaliland, iyadoo uu goor wal iyo goob kasta la taagnaa badheedhe uu ku difaacayo xaquuqda rayi-dhiibashadda iyo in dadku fikirkooda si xor ah u dhiibtaan.
Eebe ha u naxariitee marxuumkan oo  kartidda Eebaha sareeya ee hufani u dhaliyay awgeed, u muuqday Dayrka col iyo cadaaweba kaga gudban inta u dhaq-dhaqaaqda xuquuqda aadamaha dib ayaynu taariikhdiisa oo faah-faahsan ka soo gudbin doonaa.

Ka hor soo gudbinta taariikhdaas aan soo fool-tabiyo horaanta suugaan Baroor diiq ah oo ay tixdii koowaad bilowgeedda na soo gaadhsiisay Abwaan Nimco Aadan Hurre. (Nimco Gabaydo.)
Waxay tidhi.
Ifku geeddi weeyaan
Gabal-dhiciyo waaberi
Laga guurayaayoo
Adoomaha ku guud nool
Qofba galab ka hoydee
Allaylehe nin gob ah iyo
Halyay garasho dheer iyo
Muumin ruuxa gool-moon
U gargaari jirayoo
Ka weynaa gankiisiyo
Maanta Geesibaa baxay
Garabkayga taagnaa
Gacmo-madhan Alahayow
Adaan kuu goglanayaa
Naxariis gu weyn iyo
Raxmaddaada aan gudhin
Godolkeeda siiyoo
Qabrigiyo ku guulee
Godka aakhiruu tagay.


Nin Garaad wacnaayoo
Guddi jiray abaalkoo
Gali jiray markiisiyo
Hanad- lagu goblamay iyo
Maanta geesi baa baxay
Garabkayga taagnaa
Gacmo madhan Allahayow
Adaan kuu goglanayaa
Naxariis gu weyn iyo
Raxmaddaada aan gudhin
Godolkeeda siiyoo
Qabrigiyo ku guulee
Godka aakhiruu tagay.

Gurmad nin u ahaan jiray
Birma gaydadiisiyo
Mahuraanka gaabshoo
Qofka dhibi ay gaadhaba
U gargaari jiray iyo
Maanta geesi baa baxay
Garabkayga taagnaa.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: