08 December, 2014

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay..


(SLT-Hargeysa) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay

images (2)
warar maalmihii u dambeeyay suuqa soo galay, kuwaasi oo sheegayay in xukuumaddu u dhistay guri. Waxaanu sheegay in warkaasi aanu noqonayn dacaayad waxyeelaysa, maadaama buu yidhi 12 sanadood uu u soo taagnaa dacaayad iyo eedeymo.Faysal Cali Waraabe oo shalay ka hadlayey Munaasibad uu xisbiga UCID u sameeyay taageerayaal kaga soo biiray gobollada Gabilay iyo Selel, ayaa sidoo kale baaq u diray beesha gobolka Selel oo uu ku canaantey inay dalka door fiican ku lahayn.Guddoomiye Faysal oo ugu horeyn ka hadlaya arrimaha Gobolka Selel, ayaa yidhi "Anigu waxaan u garaadsaday 60 kii dadka ka soo jeeda Selel oo magaalada Saylac la yidhaahdo ka soo gala baarlamaanka, waayo waxay ahayd degmo. Laasqorey ayaa iyaduna ahayd degmo wakhti xaadirkan waxa muuqata in reer Laasqoray aad uga muuqdaan Jamahuuriyadda Somaliland saami qaybsigeeda hasa-ahaate aanay aad uga muuqan reer Saylac, taasina si ay u dhacday garan maayo"

Guddoomiyaha UCID, waxa kale oo uu ka hadlay cadaaladda Somaliland taalla, waxaanu ku taliyey in midnimada ummada laga shaqeeyo "umadda reer Somaliland waxa jirta ummad badan oo ku dhaqan Somaliland oo hadda aan ka muuqan awoodda dalka, khayraadkana aan waxba ka helin, waxaana ka mid ah ummad dhan oo Carab ka soo jeeda oo degan gobolka Sanaag, kuwaasi oo aan Golaha Guurtida ku jirin, oo dawalad hoose aan ku jirin oo fulinta aan ku jirin, markaa  waxa loo baahan yahay si umadda loo mideeyo oo cadaalad loo helo waa in dadka la mideeyo, reer Selela waxaan leeyahay waxna idinka ayay idinku xidhan yihiin waxna xukuumadda, reer Selelow doorashadii 2005-kii waad qaadacadeen, taasi waxa ay idin dhaxal siisay inaad hal kursi heshaan, doorkan insha allah waxaan rajeynayaa inaad dhulkiina ku soo noqotaan, waayo  jabuuti ina wada deeqi kari mayso oo xataa soonihii shanaad waad ka tagaysaan, markaa waxaan leeyahay Selel ku soo noqda" ayuu ydhi, waxaanu intaasi ku daray in Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile uu Golaha xisbiga UCID kaga sii hadhsan yahay Mudanayaashii uu Golahaas ku lahaa xisbiga UCID, isla-markaana xildhibaannadii kale ay si sharci daro ah u raaceen xisbiga WADDANI  "Waxaan aad ugu mahad naqayaa xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, waa xildhibaanka qudha ee ilaaliyay sharciga dalka, adduunka lama arag dad ku soo baxay xisbi oo ku wareegay xisbi aan doorashaba galin (WADDANI),  Qabile oo kaliya ayaa ka hadhay oo sharcigii ilaaliyey,  laakiin waxaan ilaahay ugu mahad- naqayaa sharcigaa la jabiyay oo Dawladdu is lahayd Faysal oo qudha ayuu saameynayaa iyagiina waa laga yaacay, waliba kuwii ugu firfircoona KULMIYE ayaa raacay sharcigii (la jabiyey) oo WADDANI galay markaa sharcigii ay is lahayeen Faysal ayaad u samayseen iyagna wuu taabtay"

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu ka hadlay dacaayado isaga ka dhan ah, kuwaasi oo uu xusay in xisbiga WADDANI ka dhiganayo olole "Baryahan qoladan xisbiga cusub (WADDANI) ololahoodii waxay ka dhigteen dacaayadda Faysal Cali Waraabe, kolba qolada waalata ayaa igu waalato'e, waxaan leeyahay Waar aniga guri la iima dhisin, haddii la ii dhiseyna Cabdiraxmaan Cirro-ba waa loo dhisay ee miyaan ka liita Cirro, Baashe waa loo dhisay oo Muuse waa loo dhisay, marka anigu xaq-baan u leeyahay (In Guri la ii dhiso) taasi dacaayad noqon mayso. Aniga waxa la i caayayey 12 sano oo qolof ayaan yeeshay, laakiin idinka (WADDANI) ayaa ilma yar oo carruur ah watee joojiya dhagaxaanta tuurtuuristeeda"ayuu yidhi.

Guddoomiyaha UCID, waxa kale oo uu la hadlay Golaha Guurtida ee Somaliland "Guurtidda waxaan leeyahay marka ay doorasho timaaddo waxa xilku saaran yahay waa saddexda xisbi qaran iyo koomishanka doorashooyinka, idinku xilka idinma saarna, waxa komishanka iyo saddexda xisbi ku heshiyaan ayaa Guurtida loola imanayaa, laakiin "Shinbirayahow heesa" waxa danbe oo lagu qaadayaa ma jirto, shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay walaalayaal qabyaaladda ha la dhaafo" ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Asxaabta waxaan leeyahay waali laguma helo (Kursiga) barigii hore ayaa la odhan jiray KULMIYE wuu waalan yahay,  haddii kulmiye nasiibku keenay oo waali ku siiyay, taasi way dhamaatay, waayo dalku waali uma baahna ee cagaha dhulka ha loo dhigo, haddii shaydaan idinla faqay idin yidhi kursigaad helaysaan, taasi waa gab-gab, faq shayadaanna waxba laguma helo"

Xigasho:Wargayska Somalilandtoday

No comments: