02 April, 2014

Kulankii Ictiraaf Raadinta Ee Maanta Lagu Qabtay Magaalada Sheffield Oo Goor Dhawayd La Soo Gabo Gabeeyay Daawo

Kulankii Ictiraaf Raadinta Ee Maanta Lagu Qabtay Magaalada Sheffield Oo Goor Dhawayd La Soo Gabo Gabeeyay Daawo

Sheffield,- Waxa maanta magaalada Sheffield ee dalka Ingriiska isugu soo baxay dadweyne tiro ahaan aad u badan oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland kuwaasi oo maanta ka qayb qaadanaayay kulan balaadhan oo lagu raadinaayay sidii Somaliland ay caalmka uga helilahayd aqoonsi buuxa.

Kulankaasi oo ay soo qabn qaabiyeen xildhibaanada golaha deegaanka ee magaalada Sheffeild iyo jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaaladaasi Sheffield.


Kulankani maanta oo ay ka soo qayb galeen 3 xubnood oo ka mid ah golaha wasiirada ee Somaliland,sida wasiirka arimaha dibada iyo wasiirka macdanta iyo tamarta, iyo laba xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada Somaliland, waxa badiba kulankaasi maanta ka soo xaadiray golaha deegaanka ee magaalada Sheffeild ay soo doorato, dood iyo falanqayn dheer waxa la isla qaatay, in golaha deegaanka ee magaalada Sheffield ay ka qayb qaataan doonista iyo raadinta arinta aqoonsiga Somaliland.


Waxa sidoo kale ka soo qayb galay kulankani dadweyne aad u tiro badan oo ka soo jeeda Somaliland oo ka kala yimid magaalooyinka kale ee dalka UK waxa sidoo kale ka soo qayb galay madax ka mid ah wasaarada arimaha dibada ee Somaliland.

Xigasho (Qaran news)

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: