08 April, 2014

Gudida Wanaag-Farista Iyo Xumaarn-Reebista S/Land Oo Doortay Gudoomiye Iyo Ku-Xigeen Cusub Ka Dib Markay Xilka Ka Qaadeen Gudoomiyahoodii Hore


Gudida Wanaag-Farista Iyo Xumaarn-Reebista S/Land Oo Doortay Gudoomiye Iyo Ku-Xigeen Cusub Ka Dib Markay Xilka Ka Qaadeen Gudoomiyahoodii Hore






Hargeisa--Gudida ama Golaha wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa maanta doortay gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen cusub ka dib markii ay todobaadkii hore xilka Gudoomiyenimo ka qaadeen gudoomiyihii hore Sh.Maxamed X.Maxamuud Xiiray ka dib markii uu keenay meselo diimeed khilaaf iyo muran ka dhex curisay isaga iyo Gudida.

Gudoomiyahii hore ee golaha wanaag-farista iyo xumaan reebista Sh.Maxamed X.Maxamuud Xiiray ayaa todobaadkii hore waraysi uu siiyey wargeyska Haatuf ku sheegay in magta raga iyo dumarka siman yihiin.

Golaha wanaag-farista ayaa Gudoomiye u doortay maanta Sh.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalla,Gudoomiye ku xigeena waxay u doorteen Xaaji Cawil Xuseen.

Geesta kalena waxay wararku sheegayaan munaasibada doorashada inaanu ka soo xaadirin gudoomiyihii hore ee ay xilka ka qaadeen Sh.maxamed Xaaji maxamuud Xiiray.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: