06 March, 2014

War-Weyn:Maxkamada Ciidamada Somaliland Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Denbiilayaashii Fuliyey Dilalkii Seemaal Iyo Jidka Dilla-Kalabaydh

War-Weyn:Maxkamada Ciidamada Somaliland Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Denbiilayaashii Fuliyey Dilalkii Seemaal Iyo Jidka Dilla-Kalabaydh

War-weyn:Maxkamada Ciidamada Somaliland oo xukun dil ah ku riday Denbiilayaashii fuliyey Dilalkii Seemaal iyo Jidka Dilla-Kalabaydh

Gacan-ku-dhiiglayaashoogasho ah ku riday CawarHargeisa-Maxkamada Ciidamada Milateriga Somaliland ayaa xukun dil iyo xadhig isagu jira ku riday koox Eedaysanayaal ahaa muddo oo xidhnaa,loona haystay inay ka danbeeyeen dilkii foosha xumaa ee ka dhacay Degaanka Seemaal ee Gobolka Gabiley dhawr sanadood ka hor.



Maxkamada Milateriga Somaliland waxay dil toogasho ah ku xukuntay Cawar Xareed iyo Mr.Qarxiye oo muddo u xidhnaa kiiskaa. Labadan nin ayaa lagu soo eedeeyay inay fuliyeen dilalkii ka dhacay Degaanka Seemaal iyo weliba jidka u dhexeeya Dilla iyo Kalabaydh.

Geesta kalena waxay maxkamada Milaterigu xadhig dhan 10 sano ku riday labada eedaysane oo kale oo isla kooxda loo xidhay kiisaskaas ka mid ahaa.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: