05 March, 2014

Maxkamadda Gobalka Hargeysa Ayaa Labaatan (20) Sannadood Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Nin Lagu Helay Inuu Yahay


Maxkamadda Gobalka Hargeysa Ayaa Labaatan (20) Sannadood Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Nin Lagu Helay Inuu Yahay


Hargeysa-Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa labaatan (20) sannadood oo xadhig ah ku xukuntay nin lagu helay inuu yahay musixir, waxa kale oo lagu xukumay inuu magdhow siiyo laba haween ah oo uu sixray. Ninkan dambiga lagu helay ayaa lagu magacaabaa Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha gudida wanaag farista iyo xumaan reebista Sheekh Axmed Xaaji Maxamud Xiiray, ayaa wargeyska Geeska Afrika u sheegay in ay ku guulaysteen in maxkamaddu xukunto Xasan Sheekh oo ah ninkaas musixir ah, ninkan oo laba hablood oo walaalo ah ku haystay sifo sharci daro ah, isla markaasna ka qaaday lacag cadaan ah. Waxaanay guddigu maxkamadda ku bogaadiyeen sida ay iskaga xil saartay kiiskan.
Waxa uu guddoomiyahu sheegay in sida oo kale saddex musixir oo ay ka qabteen isla magaaladda Hargeysa iyagana dacwadi kaga socota maxkamadda. Waxaana isaga oo arimahaas ka hadlayaa uu yidhi“Waxa lagu dhaqaaqay dacwada afar musixir oo aanu daba soconay mid ka mid ah,ninkan musixirka ah ee la xukumay waxa laga soo xidhay degmada Maxamed Mooge,ninkani waxa uu sixray laba hablood oo walaalo ah; kuwaas oo markii hore uu u sheegay inuu dawaynaayo, waxa uu u sameeyay qardhaaso tiro badan oo iyadana ku xidhay meelo kalena dhigay kuwaas oo uu ku hantiyay quluubtoodii, markii la waydiiyay aqoontiisa waxa uu sheegay in aanu wax aqoon ah u lahayn diinta hadana waxa uu qoraayay qardhaaso uu leeyahay waxbaan ku dabiibayaa.”

Guddoomiye Sheekh Axmed Xaaji Maxamud oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Ugu horayntii waxa uu xidhiidh la yeeshay labadan gabdhood mida weyn, waxaanay hadana u keentay walaasheed iyada oo leh waa uu ku dabiibayaa, runtiina waa ay badalan yihiin hablahaasi oo waad arkaysaa, waxaanay ninkan kula joogeen sifo aan sharci ahayn.waxa uu maxkamadda ka hor sheegay in aanu ninba ahayn oo xubintii taranka lahayn intuu qariyay xubintiisii taranka markaas waxa loo diray dhakhtar oo soo xaqiijiyay in xubintiisii taranku ay caadi u tahay.”

Ugu danbayntii guddoomiyahu waxa uu u mahadnaqay maxkamadaha waxaanu u soo jeediyay talooyin ciidamada booliska“ Waxa lagu soo oogay oo lagu helay wada-noolaanshiyo aan sharci ahayn, inuu gabdhahaas mulkiyay iyo inuu hanti lacag ah ka qaatay; maxkamaddu markii ay arimihii oo dhan eegeen waxay ku xukumeen 20 sano oo xadhig ah iyo magdhaw inuu siiyo labadan haween ah ee dhiban oo jidh ahaan iyo maskax ahaan dhibi u soo gaadhay. Waxaanu bogaadinaynaa maxkamadda gobalka oo arinkaas si qiimo leh u gashay, waxaanan ugu baaqaynaa ciidamadda asluubta ee jeelka in dadka caynkaas ah ee musixiriinta ah dadka ay ka hayaan oo aan la aqbalin in la sii daayo, maxaabiistana gooni looga xidho si aanu iyaga laftigoodana aanay u dhibaatayn.”

Geeska


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: