12 March, 2014

Maxkamad ku taala Adis-ababa oo Weriye Somalia Caan ka ah ku riday xadhig iyo Xabsi dheer

Maxkamad ku taala Adis-ababa oo Weriye Somalia Caan ka ah ku riday xadhig iyo Xabsi dheer

Adis-ababa-Maxkamad ku taala magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa weriye Soomaali ah oo ka hawlgeli jiray Idaacdaha Muqdisho ku riday xukun ah 27 sano oo xadhig ah.

Weriyhan oo lagu magacaabo Maxamed Aweys Muudey (boqorka Badhtamaha) ayaa ka mid ahaa Soomaali ciidamada Itoobiya u xidhxidheen qarax sanadkii hore ka dhacay Guri lagu diyaarinayey Magaalada Adis ababa gudaheeda.

Weriye Boqorka badhtamaha ayaa xadhigiisa loo cuskaday sharciga la dagaalanka argagixisada ee Itoobiya, waxayna dawladda itoobiya ku eedeysay weriyaha inuu wax ka ogaa hawlgallo ay al-Shabaab ka fulin lahayd gudaha Itoobiya iyo inuu ku lug lahaa falal argagixiso sida ay ku dooday Maxkamadu.

Hase ahaatee Qoyska weriyaha ayaa arintaas beeniyey iyagoo sheegay in weriye boqorka badhtamaha uu ka cararay dagaaladii sanado ka hor ka socday Muqdisho, uuna Addis ababa u raadsaday nolol.

Dawlada Somalia ayaan ka hadlin xadhiga Itoobiya kula kacday weriye Maxamed Aweys Muudey oo ka soo shaqeeyey Idaacado badan oo ku yaala magaalada Muqdisho tebin jiray badanaa barnaamijyada maaweelada ah.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: