10 February, 2014

MUQDISHO: Qarax goor dhow ka dhacay jidka Maka Al-mukarama

MUQDISHO: Qarax goor dhow ka dhacay jidka Maka Al-mukarama


Isniin, Febraayo 10, 2014 (HOL) – Qarax ayaa goor dhow ka dhacay jidka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho. Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu ku qarxay inta u dhexeysa Taree Biyaano iyo KM4.

Bartilmaameedka qaraxa ayaa ahaa mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, gaar ahaan laamaha ammaanka ee gobolka Hiiraan. Axmed Cumar Mudane oo ah gudoomiye ku-xigeenka guddiga amniga gobolka Hiiraan ayaa wararka lagu helayaa inuu qaraxaas ku dhaawacmay.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo qaraxa iyo weliba khasaaraha uu geystey, wuxuuse ahaa mid aad u xooggan oo jugtiisa laga maqlay goobo aad uga fog halka uu ka dhacay.

Ciidamada ammaanka oo daqiiqado kaddib goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray ayaa xiray qaybo kamid ah jidka KM4.

Saraakiisha ammaanku weli qaraxan kama hadlin, sidoo kale ma jirto cid ilaa iyo hadda mas'uuliyadda qaraxaas sheegatay.

Faah faahin dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: