07 February, 2014

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi diray geerida Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum- C/Risaaq Xaaji Xuseen.


HARGEYSA (SAMO)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Soomaaliyeed oo uu ka tacsiyadeedyay geeridii dhawaan ku timid ALLE ha u naxariistee Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum- C/Risaaq Xaaji Xuseen.
Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu galabta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu dhambaalkaasi u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo), oo haatan socdaal ugu maqan dalka Ingiriiska ayaa tacsi u diray Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo guud ahaanba dadka Soomaalida, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridii dhawaan ku timid raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, waxaanu illaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo dadka Soomalidana samir iyo iimaan ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: