06 January, 2014

Waxgaradka Iyo Duqayda Degmada Garbodadar Oo Ka Digay Faragalin Wasiirka Warshaduhu Iyo Xubno Kale Ku Hayaan Maamulka Degmadaasi

Waxgaradka Iyo Duqayda Degmada Garbodadar Oo Ka Digay Faragalin Wasiirka Warshaduhu Iyo Xubno Kale Ku Hayaan Maamulka Degmadaasi

Boorama, January 6, 2013 (Haatuf) - Qaar ka mid ah dhlinyarada, aqoonyahanka iyo waxgaradka ka soo jeeda degaanka Garbodadar ee gobolka Salal ayaa dareen cadho leh ka muujiyay waxa ay ugu ku tilmaameen faragalin ay rag mauuliyiin ah oo xukuumada ka tirsani ku hayaan maamulka degmada Garbodadar, sidoo kalena waxa ay  baaq xoogan u direen Madaxwaynaha Jamahuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, baaqaas ayaa waxa uu ku wajahan yahay isla markaana uu ka dareen celinaya xaalada degmada Garbodadar sidoo kalena waxa ay kaga biyo diidsan yihiin sida lagu wado in loo maamulo arin salka ku haysa rag loo xidh-xidhay fal isku day dil ahaa oo lala beegsadeen maayarka degmadaas dhawr bilood ka hor, arintoodu noqotay mid salka dhigi wayday.

Sidoo kale waxa ay dhalinyaradan, aqoonyahanka iyo waxgaradkani baaqoodan ku cadeeyeen inay si wayn uga digayaan waxa ay ugu yeedheen faragalin uu Wasiirka Warshadaha Somaliland Md. Abiib Diiriye Timocad iyo Wasiir ku xigeenkii hore ee Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil ay ku hayaan degmada Garbodadar, si gaar ahna u beegsanayaan maayarka degamadaas Md. Cabdi Cabdilaahi Kaluunle, qorshaynayaana arimo la xidhiidha xil ka qaadis lagu sameeyo maayarka kadib markii uu ku gacan saydhay in cadaalad iyo shuruud la’aan oodda laga qaado raga ay xukuumadu u xidhay is-ku daygii hubka loola soo baxay maayarka degmada Garbodadar oo hawlo shaqo gudanaya.

Ugu horayan ayaa waxa baaqaas ay dhalinyaradaas, aqoonyahanka iyo waxgaradkaasi ka soo jeeda degaanka Garbodadar ku amaaneen xukuumada ay hogaaminayaan M/Siilaanyo & M/Ku Xigeen Saylici, waxana ay yidhaaheen “Waxa xusid mudan inay xukuumadu qaaday talaabo amniga lagu xasilinayo isla markaana looga hortagayo fal dambe oo aargudasho ah oo Garbodadar ka dhacda, waxana aan xukuumada ku amaanaynaa sida ay ugu badheedhay inay ragii dambiilayaasha ahaa falka u gaystay masuulka dawladeed ee shaqadiisa gudanayay ay gacanta ugu soo dhigtay isla markaana u qorshaynayso inay cadaalada la beegsato”
Dhinaca kale waxa ay baaqan ku cambaareeyeen waxa ay ugu yeedheen faragalinta qaawan ee Wasiir Abiib Timocad iyo wiilka uu Abtiga u yahay ee Wasiirku xigeenkii Hore ee Waxbarashadu Cali Xaamud ay ku hayaan degamada iyo Maamulkeeda waxana ay yidhaaheen “Waxa wax lala yaabo ah sababta ay wasiir Abiib Timocad iyo wiilka uu abtiga u yahay ay ugu qanci la’yihiin cadaalada ee ay u doonayaan in shuruud la’aan lagu soo daayo raga dambiilayaasha ah ee xidhan, waxana aan ognahay inay wadaan qorsho shirqool ah oo ay doonayaan inay u ololeeyaan xilka qaadista maayarka Garbodadar Cabdi Hindi oo ay ku qaniinsan yihiin taladiisa ahayd in raga xidhan loo daayo sharciga iyo Cadaalada”
 “Waxana aan leenahay waxaan ka digaynaa cawaaqibka ka dhalan kara madax adayga Wasiir Abiib Timocad iyo daba dhilifnimada wiilka uu abtiga u yahay ee ku sifoobay kuwo aanay cadaaladu sad u ahayn, isla markaana raba in hanaanka amniga iyo dawlad nimada la mijo xaabiyo, sidoo kalana damacsan inay maleegaan iskudayo kicin ah oo la isaga horkeenayo beelaha, sidaas aawadeed waxa aan leenahay oo aan baaqayagan ku socodsiinaynaa Madaxwaynaha Jamahuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo aan ku boorinayno inay wax walba oo lidi ku ah danaha shacabka reer Somaliland cadaalada hor keenaan, sidoo kalena ogsoonaadaan hagardaamooyinka ay degaanka Garbodadar ee nabada caanka ah ka maleegayaan nimanka is dhalay ee ku caan baxay ku dhaqanka qabiilka iyo iska hor keenka beelaha.
Gabagabadii waxa baaqan lagu yidhi “Waxa aan ka sii dardaar warinaynaa waxa saamaynta ay ku yeelan karto midnimada iyo jiritaanka Somaliland oo noqon doonta mid aad u xun, qorshayaasha guryaha mugdiga ah hoostooda saqda dhexe ay ku dhisayaan Wasiir Abiib iyo Wiilka uu abtiga u yahay ay ku doonayaan inay cadaalada ku arooriyaan jid qaldan, Maayarka degmadana ugu ololaynayaan inay xilka uu hayo oo haybadii dawladnimo ah kaga qaadaan, waloow aanay ku dhisi karin, waxana aan cadaynaynaa in ay nala tahay ujeeda ka dambaysa hadimooyinkan ay maleegayaan inay tahay mid ka dhan ah nabada iyo wada noolaashaha beelaha Somaliland.
Magacda Dadka Baaqan Diraya:
1.    Maxamed Diiriye Cumar
2.    Yaasiin Maxamed Cali
3.    Xuseen Cismaan Cilmi
4.    Cabdiwahaab Cumar Shardi
5.    Muuse Yuusuf Ismaaciil
6.    Muxiyadiin Xaamud Xuseen
7.    Jaamac Cabdilaahi Suldaan
8.    Cabdiraxmaan Yaasiin Warsame
9.    Cismaan Jaamac Ceelaabe
10.    Cabdi Cabdilaahi Khayre

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: