07 January, 2014

Wakhtigu Waa Rasamaalka Nolosha By Maxamud Carab

Wakhtigu Waa Rasamaalka Nolosha By Maxamud Carab

 Wakhtigu waa girraan wareegaysa oo kale, maalinba waxbaad tabaysaa, shalay wixii hareertaadda yaalay hirkiisabba ma waydday! Dorraad wixii kula duruggsanaa maanta ma ku dhinacyaalaa! nin iyo nasiibkii. Allahayow sidii  roon.

 

Wakhtigu waa shayga ugu qaalisan ee qofka beni aadamka ahi uu hanta u haysto, waana  waxa keliya ee aadamuhu ka indho xidhanyahay taasina waxaa  u sabab ah mogaananta bani adamku uu ka indho sabanyahay awoodaha iyo nimcooyinka uu eebe ku manaysta adamaha

Ilahay subxanahu watacalaaye waxa uu inoo sheegay oo aanu inoo qarin in afar shay maalinta yamul qiyaame uu ilahay ina waydiinayo

1.     Maxaad wakhtigaagii ku qabatay?

2.     Maxaad dhalinyaro nimadadii ku qabatay oo aad uga faaiidaysatay?

3.     Maxaad maalkaagi ku qabatay?

4.     Maxaad  caafimaadkagii ku Dhameysey?

 

Sida ku cad su,aalaha halkan ku xusan ayaa ah in ay dhamaantoodba ay xidhiidh sokeeye la leeyihiin wakhtiga .taas oo  u baahan in aynu jawaab waafiya oo daliil , buuxa  u noqota su,aalahan aynu u daydayno si hadhow aynaan ugu margan jawabahooda

 

 

Dhanka kale murtida iyo  odhahaha laga yidhi wakhtiga ayaa ah kuwo aad u tiro badan oo ku wajahan baraarujinta wakhtiga. Tusaale ahaan  'wakhtigu waa sida seefta oo kale haddii aanad jari isagaa ku jari' 'wakhti iyo mawjadi midina kuma sugto"

Marka laga reebe cafimaadka, nafta iyo caqliga waxanynu odhankarnaa waa hantida kobaad ee bani aadamku uu leeyahay taas oo fal gelinaysa ama ka shaqaysiinaysa ,caqliga, cafimaadka iyo cilmigaba. Wakhtigu waxa uu ku suro gellinayaa waxyaabo badan isaga oo ku siman wakhti tegay, wakhti jooga, iyo mid soo socda . shalay waa malin tagtay oo kuma soo noqonayso, berina waa maalin rajo oo ma ogid waxa aad kala kulmi doonto wanaag iyo xumaan. Lakiin waxaan maskaxda ku haysaa in rasa maalka keliya ee aad haysataa uu yahay manta wakhtigan aad hada ku sugantahay

Guud ahaanba dadkeena ayaa ka warqabin ama aan ogayn waxyaabaha lumiya wakhtiga ,waxayna u haystaa in faaiido wayn ay u ka helayaan wakhti lumiska .

Hadii aan dulka xaadiyo waxyabaha lumiya wakhiga waxa ka mida:

 

1.Saxiibada: shayga koobaad ee lumiya wakhtiga ayaa la aqoonsanyahay inuu yahay saxiibada waayo saxiibadu waa tuugta wakhtiga  , waxayna saxiibadu wada qataan wakhti aad u fara badan oo si bilaa ujeedo ah ay u fadhiista maqaaxiyaha iyaga oo raxan raxan ah sheeko dheer oo bilaa micno ah

2.Qorshe la,aan: hadii aanu qofku yahay bilaa qorshe waxa ay noloshiisu noqonaysaa mid aanu garanahay qofku meel uu u socdo iyo meel uu ka socdo, qorshuhu waa hagaha nafta .

3.Qaadka: marka loo eego somalida iyo dadka kale marka laga hadlayo qaadka isticmaalka waa ay ku kala duwanyhiin maxaa yeelay dadka kale qaadka waxa ay ku qabtaan shaqo, balse somalidu waxa ay u cuntaa bilaa ujeedo.

4.Telefoonka: wakhtiga badan ee lagu luminayo sheekada habeenkii ee dhalinyarada waxa ay lumisaa wakhtiga maxaa yeelay ka sakow telefonka aad ku hadlayso saamayn balaadhan iyo raad ayuu maskaxda ku reebaya waxana laga yabaa inuu mashquulkale iyo wakhti lumis uu ku geliyo.

 

Side looga faaiidaysan karaa wakhtiga

1.     Samayso qorshe ku haga si aad wakhtigaaga u  maarayso ama aad u maamusho

2.     Is xisaabi inta aan lagu xisaabin

3.     Yeelo han iyo himilo si wakhtigaagu u yeesho  ku talo gal iyo martabado waxqabad

4.     Ha qoomamayn wax ku dhaafay : qomamayntu waxa ay kaa luminaysaa wakhti kale

Intani waxa ay tusaale u noqon karaa ama aragti guud wakhti lumiska iyo ujeedooyinka uu xanbaarsanayahay wakhtigu

 

 

Wakhti tagay iyo mida hada taagan labaduba waa wax ku dhaafay ee si cilmiayaysan uga faa,iidayso wakhtigaaga

 

Wixii wanaagsan alaa ku amaanan, wixii qaldana shaydaan ayay ka ahaatay.

 

Wa bilaahi tawfiiq

 

Maxamud Sabuub Cabdi

 

No comments: