06 January, 2014

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Oo Shalay Gaadhigiisa Oo Uu Watay Ku Dhex Dhacay Laagta Taliska Asluubta Ka Damabaysa

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Oo Shalay Gaadhigiisa Oo Uu Watay Ku Dhex Dhacay Laagta Taliska Asluubta Ka Damabaysa




Hargeysa, January 6, 2014 (Haatuf) - Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Qaranka, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyada ee Somaliland Aadan Axmed Warsame ayaa shalay gaadhigiisa oo uu xilligaasi watay uu kula qalibmay jidka u dhaxeeya Madaxtooyada iyo xarunta taliska ciidanka Asluubta, shilkaas oo sababay in uu gaadhigii ka shalwado
laagta dhinaca barri ka marta Maktabada Masaarida, isla markaana shilkaasi ayaa waxa uu dhacay subaxdii shalay markii uu wasiirku u shaqo tagayey xafiiskiisa
ilaa hada lama oga khasaaraha ka soo gaadhay inta uu leeg yahay, hase yeeshee waxa la sheegay inaan wasiirka wax dhaawac ahi soo gaadhin, balse gaadhiga waxogay burbur ahi soo gaadhay
Lama oga sababta shilka gaadhi uu wasiirku galay dhalisay, balse waxay sheegeen dad goob joog ku ahaa waddada xilliga uu wasiirku marayay in wasiirku mobile ku hadlayay, taas darteedna gaadhigu kula dhaco laagta.
Wasiirada Somaliland ayaa inta badan gawaadhida kaxaysta, isla markaana qaarkood iska reeba dirawaliinta ku qoran gaadiidkooda GT-ga ah, sidoo kalena ilaaladooda inta badan kaga tagaan guryahooda ama suuqa, isla markaana ay ku mashquulaan hawlihii ay ilaaladaasi u qaban lahaayeen.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: