26 January, 2014

Wakiilada Oo Dood Xasaasiya Ka Yeelan Doona Xeerka Baananka Ganacsiga Oo Guddida Dhaqaaluhu Ay horkeeneen

Wakiilada Oo Dood Xasaasiya Ka Yeelan Doona Xeerka Baananka Ganacsiga Oo Guddida Dhaqaaluhu Ay horkeeneen

Hargeysa, January 26, 2014 (Haatuf) – Guddida dhaqaalaha iyo maaliyada ee golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigii shalay ee golahooda horkeenay xeerka Baananka ganacsiga oo in muddo ah ku dhex rafanayay golaha wakiilada.

Fadhiga shalay ee golaha wakiilada oo uu gudoominayay gudoomiyaha golahaasi Cabdiarxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) oo fadhigaasi la horkeenay xeerka Baananka ganacsiga ayaa golaha faahfaahin iyo warbixin ka siiyay xeerkaasi gudoomiyaha guddida dhaqaalaha iyo maaliyada Md Cumar Axmed Saleebaan (Sanweyne), kaas oo guddidoodu ay xeerkaasi horkeeneen golaha sheegay in xeerka Baananka ganacsigu ahmiyad balaadhan uu u leeyahay dalka.

Gudoomiyaha guddida dhaqaalaha wakiiladu waxa uu tilmaamay in xeerkan Baananka ganacsiga hay’adihii uu khusaynayay ay intooda badan xogwaraysiyo kala soo yeesheen.

Xeerka Baananka ganacsiga oo xildhibaanada loo qaybiyay ayaa la filayaa in goluhu doodiisa gudagalo fadhiyada todobaadkan, kaas oo noqon doona xeer doodiisu xasaasi noqoto.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: