11 November, 2013

War Degdeg Ah:-Khaadimad Iqaamad Ku Joogtey Oo Loo Oggolaadey Iney Kafiil Cusub Ku Wareegto Iyadoo Oggolaansho La Weydiin Kafiilkii Hore!

War Degdeg Ah:-Khaadimad Iqaamad Ku Joogtey Oo Loo Oggolaadey Iney Kafiil Cusub Ku Wareegto Iyadoo Oggolaansho La Weydiin Kafiilkii Hore!


War degdeg ah:-Khaadimad Iqaamad ku joogtey oo loo Oggolaadey iney Kafiil Cusub ku Wareegto iyadoo Oggolaansho la Weydiin Kafiilkii hore!

Okaz News: Jeddah, Saudi Arabia, Monday, November 11th, 2013

Wasaaradda Shaqada Dalka Sacuudi Carabiya waxay Caddeysey Ajaanibta Iqaamadaha ka dhacsan tahay iney ka wareegi karaan Kafiilkooda ayna u wareegi karaan Kafiil Cusub taasoo marba haddii ay dhacsan tahay Iqaamada Muddo bil ah uu fasakhmayo Kafiilkii hore Caqdigiisa ama Calaaqaddiisa waayo Dowladda waxay Dooneysaa Qofka Waafidka ah in mar waliba Iqaamadiisa ay Jadiidsan tahay taana waxaa Caddeeyey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada ee Dalka Sacuudi Carabiya Dr. Mufrij Al-Xuqbaani



Qodobkanna waxaa loogu tala galey Dadka dhibaatooyinka ka haysta arrimahan aan soo sheegney oo kale haddii ay Qofka ka dhacsan tahay Iqaamada Muddo hal Bil & wax ka badan waa inuu Goobtaa Kafiil Jadiid ah ama haddii kale Macluumaadkiisa waxaa loo gudbin doonnaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha si ay uga qaaddo Tallaabo Sharci ah oo Arrimahiisa Waafaqsan….Sidaa si la mid meesha waxaa ka Muuqda Istisnaa,aat ama Oggolaansho dhinaca Wasaaradda Shaqada in Qofkii doonayo inuu arrimihiisa Sharciga ah hagaagsan karo ama uu isaga bixi karo Dalka si aanan loogu soo rogin Garaamad & Ciqaab uu ku mutaysan karo inuu Galo Jeel.



Go,aankan Cusub ayaa yimid markii laga waayey Sacuudiga Shaqaale Guryaha dhisa ama ka shaqeeya & in ka badan boqolaal kun oo meelaha Gannacsiga ah ay xirmeen iyadoo Dadkii Ajaanibta ahaa oo idil u hanqaltaagey ka bixidda Dalka Sacuudi Carbiya & Markii ay Buuxsantay meelaha Ajaanibta lagu xareeyo si loo dhoofiyo weliba Kumanaan Qafood ay Dibadda u soo wada baxeen ayna Hoy ka dhigteen Bridge-yada (Kubriyada) hoostii & markii Magaalada Barakeysan Maka Al-Mukarrama la waayey Shaqaale gura Wasaakhda taasoo lala yaabey Qashinka faraha badan ee Magaaladaa buuxdhaafiyey ee looga baqey in meeshaa uu ka Dilaaco Cudur kaasoo wax u dhimi kara Dadka reer Maka.

Waxaa intaa ka daran in la waayey Baabuurtii Booyadaha biyaha dhaamineysey taasoo Dareewaladu ay u badnaayeen Pakistan & Soomaali ay shaqada ka farriisteen maadaama aan Kafiil laga ahayn taasi darteed ayaa sababtey in la yiraahdo Ciddii doonta ee Iqaamada ka dhacsan wey ka wareegi kartaa Kafiil Cusub marba haddii Iqaamadu ay dhacsan tahay Muddo bil ah. Waayo Kafiiladii hore haddii laga wareegayo waxay dalban jireen Lacag Xad dhaaf ee Qofka Shaqaalaha ama Wafidka ah ay ka dalban jiren, Go,aankan ama Nidaamkaan cusub ee ay soo rogtey Wasaaradda Shaqada ayaa noqon doonna mid wax ka bedela dhaqdhaqaaqa Gannacsiga Dalka Sacuudiga & wuxuu wax u tari doonnaa Dadka Ajaanibta ah ee doonaya iney hagaajiyaan Wadcigooda shaqo.


Fiiro Gaar ah:-

Ka Daawo Wixii Muuqaal ah Linkan Hoose:-

http://youtu.be/SAc5yDl1unA

http://youtu.be/STWBPOWwbjU

http://youtu.be/k7QT5xRKKaE

Ali Sheikh Adam

E-Mail: adam783@rocketmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: