11 November, 2013

Salaadiinta Galbeedka Hargeysa Oo Cambaareeyay Weerarkii lagu qaaday Maxamed Kaahin

Salaadiinta Galbeedka Hargeysa Oo Cambaareeyay Weerarkii lagu qaaday Maxamed Kaahin

Hargasya (Somaliland.Org):- Salaadiinta iyo cuqaasha beesha galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa ayaa si kulul u cambaareeyay falkii waxashnimada ahaa ee isku dayga dil ee saddex nin oo hubaysan la beegsadeen guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, isku daygaasi oo ka badbaaday.

Salaadiinta iyo cuqaasha beesha galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxay sheegeen in ay ka xun yihiin weerarkii saddexda nin ee hubaysani ku qaadeen mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, waxaanay tilmaameen inay xukuumada gacan ka siinayaan sidii sharciga loo horkeeni lahaa dambilayaashii falkaa ka dambeeyay.

Suldaan Xasan Suldaan C/raxmaan Suldaan C/laahi oo ugu horayn ka hadlaya arrimahaasi waxa uu yidhi “Arrintii lama filaanka ahayd ee dhacday ayaan qabiil ahaan iyo cidii arrintaasi xgeeda ka timi, ayaan walaalahayo guud ahaan qaranka Somalilandiyo qabiilkii mujaahidku ka dhashay in aanu aad iyo aad uga xunahay wixii lagula kacay mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, wax ina soo maray ma aha waa xaajo uguba wax aynu filaynay maaha qabiil ahaan ayaan ka xunahay qoys ahaan ayaan ka xunahay.”

Suldaan Xasan oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Maadaama odayaashii dhaqanka iyo wxgaradkii halkan ku fadhino, waxaan walaalahayo u sheegaynaa guud ahaan qaranka Somaliland gaar ahaan qabiiladii uu mujaahidku ka soo jeeday mujaahdku waa mujaahid balaadhan oo umada oo dhan ka dhaxeeya, umadda oo dhan waxaan u sheegaynaa in gacan bira ku qabanayno wixii falkaasi gaystya, anagoo la kaashanayna dawladayada Somaliland iyo hay’ada amaanka ayaan soo qabanaynaa xilkaas anaguu na saaran yahay, midna waxaan leeyahay mujaahid Maxamed Kaahin abti waxaan leeyahay waan ka xunahay arrintaasi birmo gaydo ayaad tahay ragii qarankan u soo dhintay baad tahay, in arrimahaas oo kala xagayaga kaaga yimaadaan aad iyo aad ayaan uga xunahay talaabada ku haboon ee dhaqan ee sharci waan ka maraynaa”.
Jiif Caaqil Daahir Xuseen Cigaal oo isna halkasi ka hadlay ayaa wxa uu tilmaamay in ay ka xun yihiin falkii isku dayga dil ee lagu soo qaaday Maxamed Kaahin Axmed, waxana uu yidhi “waxa magaalada ka dhacay arrin aad dadka u saameeyay oo toogasho loogu talo galay arrinkaas aad ayuu noo damqay, reer ahaan dhamaanteen Somaliland hadaynu nahay burbur ayaa ina soo maray dhibaatooyin ayaa ina soo maray waxa ina soo maray wixii dhcay siduu u sameeyay dalka hore umuu saamayn.Waxaasi dhacay waxaan ka raali galinaynaa umadda Somaliand meel ay joogtaba gaar ahaan waxaan ka raaligalinaynaa Maxamed Kaahin Axmed ee waxaasi ku dhacay”.

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Jiif Caaqil Aadan Gaaxnuug Cali waxana uu yidhi “waxaanu leenahay arrinkaa dhacay waan ka raaligalinaynaa muaahid Maxamed Kaahin Axmed umadda Somaliland waan ka raaligalinaynaa, waxaanu leenahay arrinkaa dhacay aad ayaan uga xunahay waa mujaahid Somaliland waa nin goba”.

Somaliland.Org/Hargeysa




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: