26 October, 2013

Wargeyska Saxansaxo Oo Cod ku soo Bandhigay Waraysi uu Dafiray Guddoomiye Ku xigeenka WADDANI

Wargeyska Saxansaxo Oo Cod ku soo Bandhigay Waraysi uu Dafiray Guddoomiye Ku xigeenka WADDANI

“Annagu Ka Xisbi(Waddani) Ahaan Waxa Aanu Leenahay Waa Laga Fiican Yahay Oo Xisbiyo Qaran Ayeynu Leenahay” Guddoomiye Seed Wareysi Wargeyska SaxansaxoGuddoomiye Ku xigeenka waddani
Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ku gacan saydhay Shirweyne talLo qaran oo Siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada tashiga iyo toosinta Qaranku ku dhawaaqeen dhawaan in ay ku wareejiyeen xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID.
Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo xalay u waramayey Wargeyska Saxansaxo, isaga oo jooga magaalada Boorama, ayaa sheegay in Shirkaasi madashu sheegtay in ay xisbiyada mucaaradka ah ku wareejisay uu yahay mid dib u noqosho ah oo la mid ah Shirarkii Beelaha ee laga soo gudbay.
Mr. Axmed Muumin Seed oo ka jawaabayey su’aal ahayd sida ay u arkaan Shirka talada qaran ee Siyaasiyiinta madashu sheegeen in ay xisbiyada ku wareejinayaan, waxa uu yidhi “Horta annagu ka Xisbi ahaan warka Warbaahinta ayuun baanu ka helay, markaa annagu ka Xisbi Waddani ahaan wax go’aan ah oo aanu ka qaadanay shirkaas talo qaran ahaan ma jiraan, laakiin hada xaalada dalkeenu maraayo iyaguna marka hore talo qaran ayey ku baaqeen waxana weeyaan midnimo ayaa dalkii ka jirta itaalka ay doonto ha leekaate.”
Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa weeyaan Madashu sida aynu ognahay marar badan ayay talo qaran ku baaqeen,waanad og tahay oo sharar qaran marka la yidhaahdo waxa ay inagu keenayaa dib u noqosho,marka Somaliland hal qodob ayuunbay u baahan tahay halkaas qodobna waxa weeyaan in la sameeyo dood qaran oo hadii ay noqoto Baarlamaan aqaan yahan Xisbiyadda qaran ha noqoto iyo qaybta dawladdaba waa in aynu dood qaran ka yeelano xaaladda dalkeenu maraayo,waanad og tahay oo dalkeena waxa ku soo badanaysa tahriibta oo ay ugu wacan tahay shaqo la’aanta dalka ka jirta arintaas dood qaran waa laga yeelan kara, laakiin talo qarn iyo wixii la mid ahi dalka dib u noqosho ayay inaga gelinayaan”
Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Waddani oo ka hadlaya mowqifka xisbigooda ee Shirka wada tashiga Qaran, waxa uu yidhi “Kolka annagu ka Xisbi(Waddani) ahaan waxa aanu leenahay waa laga fiican yahay oo Xisbiyo Qaran ayeynu leenahay oo dee dalka Xisbiyo qaran jira oo waxa la samayn kara dood qaran oo taas waanu soo dhawayn karna, laakiin talo qaran waxa aan u malaynayaa in aanay halkaas maanta boos uga banaanayn”
Siyaasiyiinta ku bahoobay madasha Wada tashiga ayaa maalintii arbacadii ku dhawaaqay in Shirweyne talo qaran ah oo ay ku baaqeen ay ku wareejiyeen xisbiyada mucaaradka ah, iyaga oo sheegay in ay taasi u samaynayaan iyaga oo dhawraya Nidaamka iyo shuruucda dalka.
Halkan ka dhegayso waraysigii ay Saxansaxo ka qaaday Guddoomiye Ku xigeenka WADDANI
Xigasho: Wargeyska Saxansaxo

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: