26 October, 2013

Taliyaha Booliska oo ka Hadlay Maxkamadeynta Ninkii Rasaaseeyay Xildhibaan Qabile

Taliyaha Booliska oo ka Hadlay Maxkamadeynta Ninkii Rasaaseeyay Xildhibaan Qabile

Taliyaha Booliska 4Hargeysa (Somaliland.Org)- Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay boolisku ay khamiistii ku soo qabteen degmadda Dacar-budhuq ninkii rasaaseeyay afar habeen ka hor xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan aqalka wakiiladda.
Taliyaha oo maanta xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta waxa uu sheegay in ninkaasi oo la yidhaahdo Tabaarig Maxamed Cabdilaahi ay gelinkii dambe ee khamiistii ciidanka boolisku gacanta ku dhigeen isagoo xiligaas ku sugnaa degmadda Dacar-budhuq ee gobolka Hargeysa.
Taliyuhu waxa uu u mahad naqay maamulka degmada Dacar-budhuq iyo dadweynaha deegaankaasi oo Booliska kala shaqeeyay sidii sharciga loo horgeyn lahaa ninkaasi oo ku eedaysan isku day dil.
Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo horgayn doono maxkamad si loo gudo galo dhegaysiga dacwada loo haysto.
Somaliland.Org/Hargeysa


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: