26 October, 2013

Hargeysa: UCID oo Wasiirka Shaqadda Ku Cambaareeyay Xadhiga Maamulihii Xarunta Darjiifta M/Mooge

Hargeysa: UCID oo Wasiirka Shaqadda Ku Cambaareeyay Xadhiga Maamulihii Xarunta Darjiifta M/Mooge

luul xasan mataanHARGEYSA (Somaliland.Org)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa cambaareeyay tallaabo ay sheegeen in Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda Somaliland uu maanta xidhay Marwo Luul Xasan Mataan oo ah Guddoomiyaha xarunta xanaanaynta iyo dhaqan-celinta caruurta Darbi-jiifka ah ee xaafadda Maxamed Moogge.
Sidaasna waxay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ku sheegeen war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee xisbigooda oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha warfaafinta Yuusuf Kayse Cabdilaahi kaasi oo u dhignaa sidan:-
“Waxa Caawa oo taariikhdu tahay 26/10/2013 u Xisbiga Ucid soo saaray war-Saxaafadeedkan aanu Si adag ugu canbaareyno Xadhiga Xaqdarada ah ee ay xukuumadu ku Xidhey maanta Hooyadii ama Gudoomiyaha Xarunta Xanaaneynta iyo Dhaqan Celinta Caruurta Derbajiifka ee Luul Xasan Mataan ee ku taala Degmadda Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargeysa.
Waxaana runtii ah wax laga xumaado,isla markaana laga xishoodo in Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu uu Xadhig xaq-daro ah ku Xidho Aasaasihii islamarkaasna ah maamulaha xaruntaasi Marwo Luul Xasan Mataan sifo ka baxsan Bini’aadanimada iyo Shuruucda dalka u taalaba in maanta lagu xidho saldhiga dhexe,iyada oo caawa ay masuul ka tahey wixii dhibaato ah ee ka dhacda Xarunta Darbi Jiifka Xukuumada Xidhey Maamulahoodii .
Hadaba.Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxa u soo mara foojarka deeqda yar ee ay xukuumaddu ugu deeqdo 150 ka mid ah caruurta lagu xanaaneeyo xaruntaasi oo min 4000 SL Shillings maalintii ay siiso ilmihiiba, taasna macnaheeduna maaha in ay wasaaraddu si toos ah iyo si dedban toona u maamusho xaruntaasi.
Iyada Oo 7 bilood Wasiirka Shaqada Iyo Arimha Bulshadu Sifo Sharci daro ah Waraaqo Badalaad ah ugu qorayey Gudoomiyaha Xarunta Xanaaneynta iyo Dhaqan Celinta Caruurta Derbajiifka Marwo Luul Xasan Mataan.
Xaruntana Waxaa Maamula Gudi Ganacsato ah oo ka Kooban 5 Xubnood isla markaana ka Madaxbanaan Xukuumada sida Ku Cad Xeer Hoosaadka Xarunta Xanaaneynta iyo Dhaqan Celinta Caruurta Darbi Jiifka ah.
Sidaa Daraadeed Waxa Xisbiga Caadaaladda iyo Daryeelku u arkaa Xadhiga Xaqdarada ah ee Marwo Luul Xasan Mataan
In ay sii xoojinayso ama ay ka dhabeysey tuhunkii ahaa in arrintan aanay ka madhnayn siyaasad maadaama maamulaha xarunta ee xukuumaddu toocsanayso ama Eryaneyso ay la dhalatay ama ay walaal yihiin Musharaxa Jaggada Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga Ucid mudane Cabdirashiid Xasan Mataan. Taas oo sida la sheegay ay Xukuumadda Kulmiye ka cabsi qabto in caruurtaasi darbijiifka ah ay Marwo Luul UCIDEYN karto mustaqbalka.
Waxa aanu xukuumadda Somaliland guud ahaan, gaar ahaana wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ugu baaqeynaa in caruurta jilicsan ee u nugul dhibaatada ay ka deyso hagardaamadda oo dhaqaalaha yaraa ee siin jirtay ee ay ka xanibtay mudda 7 bilood ku dhow u sii deyso. Waxa kale oo aan Xukuumadda Somaliland Ugu Baaqeynaa in Si Deg Deg Ah Xoriyadeedii Ugu Soo Celiso Marwo luul Xasan Mataan oo ah Hooyada Caruurta Derbijiifka ah ama Maamulaha Xanaaneynta Caruurtaa Yar Yar Ee aan Saacad Xamilikarin in la Waxyeeleeyo, Oo aanay Meelahaas Oo kale siyaasad ka dayin ee ay ku eekaadaan dadka iyo caruurta GURIJIIFTA AH.”
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: