26 October, 2013

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Maxkamadaha Hargeysa Ku Eedeeyay In Ay Laaluush Ka Qaataan Dhalinyarada Lagu Soo Qabto Falalka Dhaawacaya Amniga Iyo Nabadegelyadda

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Maxkamadaha Hargeysa Ku Eedeeyay In Ay Laaluush Ka Qaataan Dhalinyarada Lagu Soo Qabto Falalka Dhaawacaya Amniga Iyo Nabadegelyadda,

Oct 26,2013 Hargaysa(Cadceed) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde ayaa Maxkamadaha Hargeysa ku eedeeyay inay laaluush ka qaataan dhalinyarada lagu soo qabto falalka dhaawacaya amniga iyo nabadegelyadda dalka ee ciidammadda Ammaanku gacanta ku soo dhigaan.
Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu tilmaamay inaan loo dul qaadan doonin wax uu ku tilmaamay Xaakin dufan ka qaadanaya oo sii daynaya dhalinyaro rabasho iyo amni xumo ka samaynaya dalka.

“Waxaan ka xumahay inaan halkan ka sheego in maxkamadaheena qaarkood ay la shaqaynayaan dhalinyaradaas, waxaanu qabanay boqolaal Waxaa jirta in marka dhalinyaradan la soo xidho ee kufsi ama boob lagu soo xidho,in maxkamadu ay ku sii daayaan wax-yar oo gacan maris ah, dibaatada jirtaa waa habeen uma hoydaan xabsiga Arrintaasina ma aha mid aanu u dulqaadan karno waananu ka wada hadli doonaa Maxkamadaha.”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha guduhu.
Wasiir Waran-cadde waxa uu mar kale baaq u diray dhalinyarada iyo waalidiintaba “Waxaan maanta doonayaa inaan halkan farriin uga diro Caruurta habeenkii rabshadaha ka samaysa xaafadaha magaalada iyo shacabka reer Somaliland oo aan leeyahay u dhego nuglaada baaqa iyo tallooyinka waana in aan dhamaanteen ka hortagno cid kasta oo nabad galiyadeena wax u dhimaysa.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaa jira caruur habeebkii xaafadaha ku dhiba dadka waxaan leeyahay waalidiinta Caruurta xun-xun dhalay haddii aad qabsan waydaan idinkaanu idin edbin doonaa oo aanu idinku bedali doonaa.”
Cadceednews Hargaysa Office

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: