12 October, 2013

“Haddii aan Xataa Xilka ku Waayayo Isku xidhka Shirkadaha Waan Fulinayaa”

“Haddii aan Xataa Xilka ku Waayayo Isku xidhka Shirkadaha Waan Fulinayaa”

“Waxaan Hawl-gelinaynaa Adeeggii Boosaha Oo aan 24 sanadood shaqaynin”
Abgaall
Hargeysa(Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Somaliland Maxamed Jaamac (Abgaal) ayaa nidar ku maray inuu fulinayo isku xidhka shirkadaha Isgaadhsiinta dalka, xataa haddii uu mansabkiisa ku waayayo.
Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiintu waxa kale oo uu ka hadlay qorshe ay ku hirgelinayaan addeegii boosaha oo aan dalka ka shaqaynin.
“Muddo 24 sanno ka dib waxaanu hawl-galinaynaa Boostii ay lahaan jirtay Somaliland ee waraaqaha lays kugu gudbin jiray, taas oo fududeyn doonta waraaqaha ay wasaradaha dawladu isku diraan iyo bulshada Somalilandba,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray, “Waxa kale oo aanu hawl-galinaynaa khadkii isku xidhayey shirkadaha Isgaadhsiinta si cashuurta ku waajibta loola socdo oo looga qaado.”
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd in isku xidhka khadadka shirkadaha isgaadhsiintu ay adag tahay, Wasiirro bandanna xilkoodii ku waayeen siday ugu suurto-galayso, waxa uu yidhi “Haddii aan xilka ku waayayo Isku xidhka waan fulinayaa waayo waa wajibadkayga shaqo.”
Wasiirka oo la weydiiyay sida uu u arko dhaliilihii uu warbaahinta u marin jiray xukuumadda iyo mansabka Wasiirnimo ee uu ka qabtay waxaanu yidhi “Markii aan mucaaridka ahaa dhaliisha madaxweyne Siilaanyo toos ayaa warbaahinta ugu marin jiray imika oo aan xukuumada ka tirsan nahayna wixii khaldan waan u sheegaa oo dee dhaliishuna waa toosin.”
Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiintu waxa kale oo uu sheegay in si rasmi ah ay wasaaradu u qaadi doonto cashuurtii ku waajibtay shirkadaha Isgaadhsiinta oo uu xusay in qaranku xaq ugu leeyahay, waxaanu tilmaamay in aan shirkadaha laga qaadin lacagtii ku waajibtay.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: