12 October, 2013

Dooddii Miisaaniyadda 2014-Ka Oo Meel Xaasaasiya Maraysa Iyo Xildhibaano Soo Faqay Dhaliilaheeda

Dooddii Miisaaniyadda 2014-Ka Oo Meel Xaasaasiya Maraysa Iyo Xildhibaano Soo Faqay Dhaliilaheeda


Hargeysa (Geeska) – Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo ilaa hadda ku guda jira doodad ay ka yeelanayaan Miisaaniyadda 2014-ka, ayaa waxa xildhibaanadii ka qayb-galay dooddii shalay ayaa aad u naqdiyey Miisaaniyadda isla-markaana waxay soo faqeen ceebaheeda.

Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur oo ka mid ah Mudanayaasha dooda ka qayb-galay ayaa yidhi “Mudanayaal Wasaaradda Madaxtooyada waxyaabaha aan ku naqdiyayo waxa ka mid ah Miisaaniyaddeedu waa $ 41 Milyan, wax loo dulqaato iyo wax la eegan karo (maaha) waayo maynaan garan 41-kaa milyan meesha ay galayaan, waxa ku jira kharashka lama filaanka ah (Waxyaabaha lama filaanka ah loogu talo-galay), waana Lix toban Milyan, waana kayd meel la sii dhigay, Wasaaradda Madaxtooyadu maaha Wasaaraddii Maaliyadda, 16-kaa Milyan haddii ay kayd yihiin may qasnada dawladda ku hadhaan maxaa keenay Wasaaradda Madaxtooyada waaba lama filaane, annigu Miisaaniyaddan uma arko inay tahay tii waddanka anfacaysay sanadka 2014-ka, waxaanan u arkaa Miisaaniyad loogu talogalay waxyaabo soo socda oo lama filaankaa oo miidhan ah, waayo waxyaabaha ku dhex jira waala amakaagayaa”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay “Miisaaniyaddan waxa kharibaya ma hayno shaqaalaha dawladdu inta ay yihiin iyo derajooyinkooda , wax aynaan hayna inaynu ansixinaa malaha ma haboona, waxa ka sii daran $ 23 Milyan waa kharashkii derajada ciidamada, waa in la helaa tirada ciidamada derajooyinka qaatay, haddii la odhan doono waa sir, xubinta Baarlamaanka ah wax sir ka ahi ma jiraan”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Bal eeg Caddaalad darada dhacaysa, halkan waxa ku qoaran ururka NOW, NOW ma hay’ad dawladeed-baa, annigu maan garan waxa Miisaaniyadda loogu qorayo NOW ee loogu diidayo NAGAAD, ODXA iyo ururada u ololeeya dadka Dhimirka u ololeeya”

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, isaguna halkaasi dooddiisa si adag uga dhiibtay Miisaaniyadda 2014-ka ayaa is barbar-dhig ku sameeyay Miisaaniyadda Wasaaradda Madaxtooyada iyo Wasaaradaha kale ee wax soo saarka, waxaanu isagoo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Miisaaniyaddu waa inay ka turjuntaa shaqaalaha iyo ciidanka Mushaharkooda oo ay si dhab ah u taabataa korodhkooda iyo tiradooda dhabta ah, Miisaaniyaddu waa inay ka turjuntaa ka hor tagga aafada Tahriibka iyo jihaynta dhalinyarada waddanka ee badaha ku dhamaatay, Miisaaniyaddu waa inay ka turjuntaa siyaasadda kor u qaadista tayada waxbarashada iyo abuurista Macaahiidda Farsamada gacabta, si xirfadda dadku kor ugu kacdo. Waxyaabaha loo baahan yahay inay Miisaaniyaddu ka turjuntu waxa ka mid ah kor u qaadista tayada caafimaadka bulshada, siiba hooyada iyo dhalaanka, kor u qaadista ilaha wax soo saarka sida kaluumaysiga iyo khayraadka badda, waxaas oo dhan oo ahayd laf-dhabarta ay Miisaaniyadda qaranku ka turjumaysay nasiib daro wax kaga qoran ama siyaasad ay la leedahay ama laga soo saaray oo ku qotonta Miisaaniyadda 2014-u ma jirto”

Xildhibaan Buubaa, waxa kale oo uu tilmaamay “Miisaaniyadda waxa ka muuqda korodh u dhow laban-laab oo badideedu tahay cashuuro iyo takaaliif hore leh oo miisaaniyaddii 2013-kii lagu ansixiyey, taasoo abuurtay korodh Meceeshada ah oo saamaysay bulshada Somaliland miyi iyo Magaalaba. Mudanayaal waxaynu u baahanahay inaynu ka daba tagno korodhka cashuuraha ee xad-dhaafka ah ee lagu ansixiyey Miisaaniyaddii 2013-kii, si aynu dhinno saamaynta ay bulshada ku yeelatay arintaasi wax ka bedalna ugu samayno” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa nasiib daro ah in dakhligii ama takaaliiftii la kordhiyey ee umadda la saaray aan loo adeegsan meeshii ku haboonayd, tusaale haddii aan soo qaado qasnada guud, waa hay’ad sharci daro ah marka hore, hay’ad Madax-banaan oo la ansixiyey maaha, wasaarad gaar u taagan maaha, mana yeelan karto Miisaaniyad gaar ah, haddana waxa qasnada guud ee qaranka ku qoran $ 27 Milyan oo doolar u dhiganta, waxaan u arkaa in lacagtaasi tahay tii ay ku shaqeyn lahaayeen wasaarado iyo hay’ado dalka faa’iido u leh oo laga soo leexiyey, Matalan Wasaaradaha Beeraha, Kaluumaysiga iyo horumarinta reer Miyiga, waxaana u qoran wax ka yar saddex Saddex Bilyan oo Somaliland Shilin ah midkiiba, lacagihii ay xaqa u lahaayeen ee ay ku shaqeyn lahaayeen waata halkan la dhigtay, waxa kaaga sii daran lacagta xadigaa leeg (Lacagta Qasnada Dawladda) cid isticmaalaysaa ma cadda, waxayna u egtahay in lacagtan lagu qarsaday oo musuqmaasuq iyo madow badani ku jiro”

Xildhibaan Buubaa, oo ka hadlaya Miisaaniyadda Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland “Wasaaradda Madaxtooyada waxa u qoran 41 Bilyan (Somaliland Shilin) oo u dhiganta $ 7 Milyan oo doolar, Wasaaradda Madaxtooyada 27 qof ayaa ka shaqeeya, saddex agaasime Waaxeedna way leedahay, baabuurteedu saddex gaadhi kama badna, lama arag isku duwiye kaliya oo u jooga gobol ama degmo, lacagta noocaas ah ee u qoran habka loo isticmaalayo la garan maayo, 27 qof-baaba ka shaqeeyee qofkii ma 20 kun oo doolar ayuu Mushahar u qaataa, hala iswaydiiyo”ayuu yidhi




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: