10 October, 2013

“Genel Energy nidaamka Gudigga Qandaraasyadda Somaliland May marin Iyaga ayaa Tartan Samaystay”

“Genel Energy nidaamka Gudigga Qandaraasyadda Somaliland May marin Iyaga ayaa Tartan Samaystay”

“Waxaanu ku dedaalaynaana waxa weeye in aanu samayno saaxadii caalamku dalkeenna ku maal-gashan lahaa”SAYLICI444
Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa siyaasiyiinta iyo shacbiga Somaliland ugu baaqay inay iska daayaan hadallada xajiinta leh ee qabyaaladda ah ee ay la soo fadhiistaan warbaahinta, waxaanu tilmaamay in arrintaasi saamayn taban ku yeelanayso sumcadda dalka.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sidaasi ku sheegay qeybtii sadexaad ee waraysi dheer oo uu siiyay wargeyska DAWAN, waxaanu qeybtan kaga hadlayaa shirkada Genel Energy iyo siyaabihii ay u bixisay qandaraas hoosaadyadii hawsha shiidaal qodista ee ay ka waday dalka. Waxaanu waraysigaasi u dhacday:-
Su’aal: Qandaraasyadda shirkadda Genel Energy ee la leeyahay nidaam musuqmaasuq ah ayaa loo bixiyay, maxaa ka jira?
Jawaab: Taasi waxay tahay qandaraasyadu qaab caalami ah ayay u baxeen, ta keliya ee la nagu eedaynayaana waxay tahay waxa jira, waa in xaqiiqada laga sheego, hay’adani iyadaa qandaraas buuxa ayaa la siiyay inay iyagu xor u yihiin cida ay qandaraasyo kale siinayaan, heshiiska la wada galay ayaa dhigayay?
Markaa iyagu Genel Energy nidaamka ama xafiiska hay’ada qandaraasyadda Somaliland may marin iyaga ayaa tartan samaystay, kaasi ayaanay ku bixiyeen, markaa halka ay dadku ka fahmi waayeen waa halkaasi, oo ay leeyihiin cadaalad darro ayay ku baxday mana odhan karno cadaalad darro ayay ku baxday, sababta oo ah shirkadda ayaa xaq u lahayd in qandaraasyada kale bixiso, iyada ayaana bixisay, cidii ay qaadatayna iyada ayaa u madax-banaanayd.
Su’aal: waxaa jira arday badan oo jaamacadaha ka soo qalin jabisa, tahriibkuna aad ayuu u badan yahay, shaqo la’aan ayaa jirta, maxaa xukumadda uga qorshaysan in lagu jiheeyo ardaydan sanad walba soo baxaysa?
Jawaab: Run ahaantii arrintaasi waa culays weyn oo na saaran, laakiin iyada oo aan maanta la ina ictiraafsanayn iyo marka la isku eego dawladihii waawaynaa ee la ictiraafsanaa ayaa shaqo la’aan ka cabanaya oo maalin kasta la leeyahay dawladihii hore u maray 10% illaa 15% ayay shaqo la’aantu maraysaa, caalamiyanna hoos u dhaca dhaqaalae ayaa jira, innaguna kuwaasi ayaan marka horeba ugu sii hoosaynay oo waxaan nahay wadan aan la ictiraafsanayn, dadaalkayaguna ma yara.
Waxa aanu ku dedaalaynaana waxa weeye in aanu samayno saaxadii caalamku dalkeenna ku maal-gashan lahaa, oo maanta waxa keliya ee aan haysanaa inta yar ee cashuuraheena ah, saddex sanno gudahooda miisaaniyadda waxaan dalacnay 75 milyan oo dollar, maalintii aanu xukunka la wareegnay miisaaniyadda dalku waxay ahayd 50 milyan oo dolar, waxaa aanu hagaajinay nidaamkii cashuur ururinta ayaanu kor u qaadnay, markaa cashuurteenu mid shaqo lagu abuuri karo ma aha, ma dhaafsiisna addeegeena iyo amnigeena inaynu ku fulino laakiin imika waxaanu ku hawlanahay in aanu diyaarino saaxaddii iyo shuruucdii iyo sidii loo aamini lahaa Somaliland ee loo maalgashan lahaa, dad badan oo maal-gashi doonaya ayaa maalin walba noo yimaada, waxaan rajaynaynaa in uu dhawaan maa-lgashagu bilaabmayo, siyaasaddayaduna xukuumad ahaan waxa weeye in maal-gashi dalka loo helo, markaa maalgashi la helana shaqo abuurkiina wuu imanayaa.
Su’aal: xagga waxbarashadda dugsiyo xirfadaha dhalinyaradda lagu baro qorshaha ma idiinku jirtaa?
Jawaab: Haa way ku jirtaa, waxaanay ku jirtaa qorshaha horumarinta qaranka halka ay hadda dugsiyaddu wada dugsiyo sare ka yihiin in la soo celiyo dugsiyaddii farsamadda gacanta aadna waanu ugu dedaalaynaa, qorshahanna way noogu jirtaa, kii Burco ee farsamadda gacanta dayactirkiisii iyo hawshiisii way dhammaatay, wuuna bilaabi doonaa, kuwii kalena waanu soo noolayn doonaa, kuwo cusubna waanu dhisaynaa, waxyaabaha imika madaxweynuhu Turkiga kala hadlay ee uu innaga caawinayo waxaa ka mid ah inay dugsiyada xirfadaha ee farsamada gacanta inay wax inagala qabtaan.
Su’aal: Ugu danbayntii, maxaad shacbiga reer Somaliland u soo jeedin lahayd?
Jawaab: Waxaan shacbiga Somaliland u soo jeedin lahaa, innagu dhexdeena wixii aan doono aan isku qabno’e, yooyootanka qabyaallada inay joojiyaan, ee ay la soo fadhiisanayaan warbaahinta, dal doonaya in la ictiraafo oo uu caalamka ka mid noqdo, haddii la arko shacbigiisii oo aan wax fiican ku hadlaynin, gaar ahaan siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedkaba waa mushkilad qaran.
Markaa waxaan leeyahay waa in aynu iska dayno qabyaaladan ayuu la soo fadhiisanayno warbaahinta, oo haddii ay qofka daacad ka tahay oo uu dalka iyo dadka u danaynayo oo aanu dan shaqsi ah ku dagaalamaynin in uu yidhaahdo deegaanka heblaayo waxba looma qaban, waxaas ayaa ka maqan ayay ku qurux badan tahay, waxaanan shacabka reer Somaliland ku dardaarayaa in ay ka waantoobaan qabyaaladaa ay warbaahinta la soo fadhiisanayaan iyo inay nabadgelyada aynu maanta haysano oo aanay dalal badan oo la ictiraafsan yahay aanay haysanin inay Illaahay ugu mahadnaqaan, sidaasi wanaagsan ee ay u ilaashanayaan nabadgelyadooda, inay mar kasta u ilaashadaan meelna uga soo wada jeedsadaan.
DHAMMAAD
Somaliland.Org/Hargeysa

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: