18 August, 2013

Markab Kuwa Xoolaha Qaada Ah Oo Saaka Ku Shuf Beelay Dekeda Berbera


Markab Kuwa Xoolaha Qaada Ah Oo Saaka Ku Shuf Beelay Dekeda Berbera


Markab kuwa xoolaha qaada ah oo saaka ku shuf beelay dekeda Berbera
Berbera-(Qaran-news)-Markab kuwa xoolaha qaada oo laga leeyahay dalka suuriya oo maalmahanba ku xidhnaa ama baroosinku u yaaley duleedka dekeda Berbera ayaa dab qabsadey.

Markabkan ayaa dhamaantiiba shuf beelay markii uu waayey gurmad,waxaana lagu guulaysan waayey in la demiyo dabkii ka kacay oo la sheegay inuu ka dhashey caws loogu talo galay xoolihii markabku qaadi lahaa

Majiro warar kale oo madax banaan oo ka soo baxay markabkaas.
Geesta kale markabkan ayaa la sheegay in xoolaha ama shixnada la filaayey inuu qaado ay leedahay shirkada Indhadeero
Qarannews
Berbera




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: