19 August, 2013

Hadraawi Oo Ku Baaqay In Wada hadal lagu dhameeyo Khilaafkii Golaha wada tashiga


Hadraawi Oo Ku Baaqay In Wada hadal lagu dhameeyo Khilaafkii Golaha wada tashiga

Hargeysa (Somaliland.Org)- Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa ugu baaqay xukuumadda Iyo siyaasiyiinta la baxay Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka inay khilaafkooda ku dhameeyaan wada hadal. Waxaanu mucaarid iyo muxaafidba u soo jeediyay inay ahmiyadda saaraan ilaalinta midnimadda qaranka Somaliland.

“ Si loo ilaaliyo qaranimada iyo midnimada Somaliland ee loo soo halgamay, waxa loo baahan yahay in wada hadal lagu dhameeyo is mari waaga ka dhex taagan xukuumadda iyo siyaasiyiinta la baxay golaha wada tashiga,”ayuu Abwaan Hadraawi u sheegay shalay qaar ka mid ah saxaafadda oo uu ugu waramayay magaaladda Hargeysa.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame waxa uu ku booriyay mucaarid iyo muxaafidba in la wada ilaashado qaranimadda qiimaha adag innagu taagan, waxaanu yidhi “Cid aynu ku xidhan nahay oo wax innagu kor dhisa oo wax inagu biirisaa ma jirto, markaa waxaan u malaynayaa ummada dhex joogta dalka iyo maamulka hogaaminaya dhammaanteen waxba la hagrran maayo ,waxa yar ee maanta gacanta lagu hayo ayaa karaamadeenii ku dhisan tahay, waxaan labada dhinac kula talin lahaa waa la iswada garanayaaye, in la isa soo hor fadhiisto, in la wada hadlo oo dhinac waliba waxa ay la tahay sheegto oo la ilaaliyo Qaranimada iyo midnimada ummada aayaheedda”.

“Waxa loo baahan yahay dhinac saddexaad oo soo dhexgala oo waxa laysku hayo ogaada, waa dawladda iyo dhinacaa aynu ka hadlayno, waa loo baahan yahay oo waa shay meesha ku jira in laga hadliyo nimankan magacooda aynu sheegayno oo mushkiladooda la waydiiyo oo la soo fadhiisiyo, waxa mar walba la ilaalinaynaa Qaranimada iyo midnimadda,” ayuu yidhi Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.

Somaliland.Org/Hargeysa




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: