17 July, 2013

Xisbiyada Qaranka,Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Si wadajir ah U Saxeexay Qoraal Loo Gudbinayey Deeq bixiyayaasha Caalamka Oo ku saabsan diwaan galinta codbixiyeyaash iyo Ta Madaniga ah

Xisbiyada Qaranka,Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Si wadajir ah U Saxeexay Qoraal Loo Gudbinayey Deeq bixiyayaasha Caalamka Oo ku saabsan diwaan galinta codbixiyeyaash iyo Ta Madaniga ah
Kulanka heshiiskan lagu kala saxeexanayey oo ka qabsoomaya xarunta wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa wax goob joog ka ahaa xubno ka tirsan sadexda geesooda............

Hargeysa(GNS) wasaarada arimaha gudaha,xisbiyada qaranka iyo guddida doorashooyinka qaranka ayaa maanta si wada jira u kala saxeexday heshiis sadex geesood ah oo ku saabsan sidii dalka looga qaban lahaa diwaan gelinta madaniga ah iyo tan codbixiyaasha doorashooyinka. 

Kulanka heshiiskan lagu kala saxeexanayey oo ka qabsoomaya xarunta wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa wax goob joog ka ahaa xubno ka tirsan sadexda geesooda. 

Ugu horayn waxa kulankan ka hadlay af-hayeenka guddida doorashooyinka qaranka Somaliland Axmed Xirsi Geele kaas 
oosheegay inay si wada jira ugu heshiiyeen qodobo la xidhiidha diwaan gelinta madaniga ah iyo tan codbixiyayaasha doorashooyinka 
waxaanu yidhi “guddida doorashada, wasaarada arimaha gudaha iyo asxaabta qaranku waxay ka wada tashanaysay sidii loo samayn lahaa diwaan gelin, dabadeedna waxa laysla waafaqay in diwaan gelinta dadweynaha ee madaniga ah iyo tan codbixiyayaasha doorashooyinka aynu labadaba u baahan nahay, markaas labadaba laga codsado qolada ina caawinaysa, markaas qodobkii lagu heshiiyey ayaanu si wada jira u wada saxeexanaynaa, si aynu u ilaalino qaranimadeena iyo wada jirkeena hadaanu nahay xisbiyada qaranka, wasaarada arimaha gudaha iyo guddida doorashooyinka waxaanu isla afgaranay inaanu hareeraha isla qabano wixii ay u baahan yihiin doorashooyinku oo aanu iman wax khilaaf ah oo abuuri kara in lays jiidjiito dhibna keeni kara, waxaanu isla garanay in labadii diwaan gelin haday tahay ta madaniga ah oo taysaradii lagu aqoonsanayey qofka reer Somaliland maadaama oo aynu ka go,nay dalka somaliya iyo inuu qofku haysto kaadhkiisa codbixinta markaa labadoodiiba inaanu waydiisano beesha caalamka inay naga taageerto ayaanu isla garanay.”ayuu yidhi afhayeenka gudida doorashooyinku 

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo isaguna ka hadlay heshiiskan ayaa sheegay inuu heshiiskani yahay mid qaranku u baahan yahay 
waxaanu yidhi” halkan waxa ka muuqda in wada tashi buuxa ay yeesheen xisbiyadii qaranka,guddida doorashooyinka iyo wasaaradii arimaha gudaha , sida laga dhawajiyey waxaanu halkan ku saxeexnay codsi qaranku u dhan yahay oo loo gudbinayo deeq bixiyayaasha oo ah inay naga kaalmeeyaan diwaan gelinta codbixiyayaasha iyo tan madaniga ah kuwaas oo laysku raacay inay labaduba qaranka muhiim u yihiin.” Ayuu yidhi c/raxmaan ciro 

Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna ka hadlay heshiiska ayaa soo dhaweyey isaga oo tilmaamay inay qaranka guul u tahay in cod midaysan lagula hadlayo beesha caalamka waxaanu yidhi”maanta waa maalin taariikhi ah oo wadanka taariikhda u gali doonta, in asxaabtii qaranka mucaarid iyo muxaafid,komishankii iyo xukuumadii cod midaysan caalamkii kula hadlayaan, doorashooyinka In wakhtiga la qabto waa sharci waanan ogolnahay, wixii xukuumada iyo xisbigan kulmiye ku aadana waa la dhamayn midbaa se jirta dhaqaalaheena iyo dhaqaalaha hawshani u baahan tahay way kala weyn yihiin,kulmiye iyo xukuumadani maaha kuwo ka baqanaya doorashada maaha.” Ayuu yidhi muuse biixi 

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna dhinaciisa soo dhaweyey heshiskan isaga oo tilmaamay inuu yahay mid waxtar u leh qaranka, dhinaca kalana xukuumada ugu baaqay inay doorashooyinka ku qabato wakhtigii loogu tala galay. 
Gabiley Desk News 
Contactgabiley@yahoo.com 
Hargeysa OFFicehttp://samotalis.blogspot.com/

No comments: