03 July, 2013

Xaabsade Oo Xili La Bedelay Shaaciyay Qandaraas Uu ku Bixiyay Adeeg Xasaasi ah Oo uu u Gacan Geliyay Shirkad gaar ah

Xaabsade Oo Xili La Bedelay Shaaciyay Qandaraas Uu ku Bixiyay Adeeg Xasaasi ah Oo uu u Gacan Geliyay Shirkad gaar ah

Hargeysa, (Dawan). Wasiirkii hore Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee xilka lagaqaaday Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa xilli la filayo inuu xilka wareejiyo  ayaa shalay shaaca ka qaaday inuu  shirkad gaar loo leeyahay oo aanu magac-dhabin qandaraas ku siiyay samaynta iyo bixinta Liisadda dirawaladda Gaadiidka, waxaana  xaflad arrintaasi lagu shaacinayay lagu qabtay xarunta wasaaradaas ee Magaaladda Hargeysa.
Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Md. Xaabsade oo ka hadlay munaasibadda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu shirkad gaar ah ku wareejiyay bixinta liisamada wadeyaasha gaadiidka oo qandaraas lagu siiyay, waxaanu sidoo kale xusay inuu shirkad kalena siin doonaan tabobarada darawaliinta iyo la socodka xaalada gaadiidka,  waxaanu timaamay in ujeedadu tahay sidii loo yarayn lahaa shilalka soo noqnoqday ee maalin walba dalka ka dhacaya ee ay ka dhalanayaan khasaarha dhimasho iyo dhaawac isugu jira. “Liisankii lafta ahaa ee dunida laga isticmaalo ayaa maanta (shalay) aanu furnay oo aanu siinay shirkad nala shaqaysay oo arrintan soo abaabushay oo muddo dheer ka soo shaqaynaysay, waynu ognahay dhibaatada dalka haysa waxa ugu wayn oo dhibaatada dagaalada sokeeye ee dadku ku dhimanayo waxa kaga wayn dhibaatooyinka dadka ku dhimanaya ama ku dhaawacmaya shilalka gaadiidka.”,ayuu yidhi Xaabsade, waxaanu intaas ku daray isagoo sharaxaya masuuliyada culus ee wadeyaasha laga rabo. “Ruuxa baabuurka wadayaa waxa uu qaadayaa masuuliyad dadka iyo duunyada saaran iyo gaadhiga laftiisa oo lacag badan dalka ku yimi ninka markaa wadayaa waa in uu ahaadaa qof aad iyo aad loo tabobaray oo masuuliyada qaadi kara, haddana waxa dhacda in islaan waliba markay gaadhi soo iibsato ay kay edada u tahay tidhaahdo halkan soo fadhiiso kaxee waad wadi taqaanaaye dabeedna uu jar ka tuuro ilaa iyo hadda dadka dhintay waa kumanyaal maaha boqolaal shilalka gaadiidka, markaa waxaanu go’aansanay inaanu qoladan siino qandaraaska liisamada, qolo kalena waxaanu siin doonaa tabobarada darawaliinta iyo la socodka xaalada gaadiidka.”
Qandaraaskan uu bixiyay Wasiirkii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa ku soo beegmaya wakhti xilkii ama masuuliyadii Wasaaradaas ee uu hayay laga qaaday, isla markaana aanu ku wareejinWasiirkii cusbaa ee loo soo magaacaabay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Sidoo kale, warar xog ogaal ah oo aanu helay ayaa sheegaya in Madbacadda qaranka oo Madaxweynaha Somaliland uu hore amar ugu bixiyay inay daabacdo dhammaan dukumantiga dawladda lagala leexday liisamadda cusub, iyadoo si weyn isku diyaarisay Madbacaddu  inay samayso liisamo ka tayo wanaagsan kuwan ay shirkadda qandaraaska lagu siiyay soo bandhigtay. Lama garanayo in qorshahani uu u hirgeli doono Wasiirka xafiiska ka sii socda iyo in kale.
By: Yoonis M.Jamaac
Dawannews Hargeysa office

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: